PSG vs Bayern Munich Maxaa Kala Heysta Caawa? Kooxdee Ayaase U Soo Gudbi Doonta Semi-finalka Champions League?

0
165

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Paris Saint-Germain ayaa martigelineysa Bayern Munich lugta labaad ee wareega sideed dhamaadka Champions League caawa oo Talaado ah, iyadoo kooxda Faransiiska ay guul 3-2 ah soo gaartay lugtii hore.

Lugtii hore oo ka dhacday dalka Jarmalka waxay aheyd ciyaar xiiso leh oo aan la ilaawi karin iyadoo Kylian Mbappe iyo Marquinhos ay hogaanka u dhiibeen PSG 30kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeeyay laakiin kooxda difaacaneysa koobka ayaa barbareysay saacad markii ay ciyaarta socotay ka dib goolal ay u kala dhaliyeen xiddiga buuxinaya booska Lewandowski ee Eric Maxim Choupo-Moting iyo Thomas Muller. Mbappe ayaase qosolka ku danbeeyay isagoo dhaliyay goolkii seddexaad ee ay ku badisay PSG.

Kulanka caawa ayaa xiiso badan leh, itaalka labada kooxood waa mid isku mid ah farqiga u dhaxeeyana ma ahan mid weyn sidaasi darteed waxay noqon doontaa kulan si weyn isha loogu heyn doono inkastoo Bayern Munich uu ka maqan yahay mashiinkooda goolasha Robert Lewandowski.

Kulanka: PSG vs Bayern Munich

Garoonka: Parc des Princes

Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Daniele Orsato (Italy)

SHAXDA MACQUULKA AH:

Paris: Navas; Dagba, Danilo, Kimpembe, Diallo; Gueye, Paredes; Di María, Draxler, Neymar; Mbappé

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here