Kulanka Chelsea vs FC Porto iyo Blues Oo Qarka U Saaran Semi-finalka Champions League.

0
158

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea ayaa martigelineysa Fc Porto kulanka lugta labaad ee wareega sideed dhamaadka Champions League caawa oo Talaado ah.

Lugtii hore oo marti loo ahaa kooxda reer Portugal balse ka dhacday magaalada Sevilla ee dalka Spain Chelsea ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed ay natiijo fiican ku gaartay.

Labo gool ay u kala dhaliyeen Mason Mount iyo Ben Chilwell ayaa u xaqiijiyay guul 2-0 ah.

Tababare Thomas Tuchel ayaa shaaciyay ka hor kulankaan in la joogo waqtigii ay Chelsea ku guuleysan laheyd koobab.

Kooxda Tuchel oo haatan kaalinta shanaad kaga jirta Premier League ayaa kulanka caawa ka dib waxay Sabtida la ciyaarayaan Manchester City semi-finalka FA Cup.

Chelsea iyo Porto waxay caawa ku laabanayaan garoonka dhexdhexaadka ah ee kooxda Sevilla laakiin madaama Blues ay aheyd kooxda martida isbuucii hore, guushoodii 2-0 waxay tahay faa’ido weyn.

Sababta ay labadaan kooxood labada lugba ugu ciyaarayaan magaalada Seville ee dalka Spain ayaa ah inay ka fogaadaan karantiilka ay geli lahaayeen haddii ay booqan lahaayeen dalalka England iyo Portugal.

Kulanka: Chelsea vs FC Porto

Garoonka: Estadio R. Sanchez Pizjuan

Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika 

Garsoore: Clement Turpin (France)

SHAXDA MACQUULKA AH:

Chelsea: Mendy; Azpilicueta, Zouma, Rüdiger; James, Jorginho, Kovačić, Alonso; Mount, Havertz, Pulišić

Porto: Marchesín; Manafá, Pepe, Mbemba, Zaidu; Corona, Sérgio Oliveira, Uribe, Otávio; Marega, Taremi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here