Bakaylahii ugu Dheeraa Dunida oo uk laga Xaday.

0
199

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Bakayle abaal marin afar jeer ugu guuleystay lugihiisa daadheer ayaa loo malaynayaa in laga xaday xayndaabkii uu ku jiray.

Bakeylahan oo lagu magacaabo Darius, ayaa habeenkii Sabtida ahayd laga waayay gurigii uu ku noola ee Stoulton, Worcestershire, ee UK.

Mulkiilaha bakeylahan oo lagu magcaabo Annette Edwards ayaa ku yaboohday in ciddii soo hesha bakaylaha ay siin doonto abaalmarin dhan £1,000, waxayna sheegtay inay u tahay “maalin murugo badan”.

Dherirkiisa ayaa lagu sheegay in uu yahay 129cm (4ft 2in), waxaana sanadkii 2010-kii loo magacaabay in uu yahay Bakeylaha ugu dheer caalamka.

Booliska West Mercia, ayaa sheegay in ay rumeysan yahiin in Darius, laga xaday gurigii uu ku noola, kaas oo ku yaal beerta milkiilayaashiisa, habeennimadii Sabtida.

Ms Edwards ayaa sheegtay in Darius “da’diisu aad ay u weynayd si uu u tarmo” waxayna codsatay in si nabad ah loogu soo celiyo.

Bishii Abriil ee sanadkii 2010-kii, waxaa loo magacaabay inuu yahay bakaylaha ugu cimriga dheer caalamka markaas oo uu galay diiwaanka taariikhda ee Guinness World Records.

Ms Edwards waxay sheegtay inuu xilka kala wareegay hooyadiis Alice, isla markaana uu ahaa bakayleheedii afraad ee ku guulaysta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here