Lacazette & Martinelli Oo Jidka Guusha Kusoo Celiyey Arsenal Xilli Fursaddii Europa League Ay Dib Ugu Soo Noolaatay.

0
153

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Arsenal ayaa kusoo laabatay jidka guusha oo ay ka maqnayd labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey, waxaanay 3-0 ku garaacday kooxda ugu hoosaysa horyaalka Premier League ee Sheffield United.

Gunners oo toddobaadkii hore guul-darro kala kulantay Liverpool ayaa waxay ku xigsiisay barbarro ay la gashay Spartak Prague, laakiin guul ay caawa ka gaadhay Sheffield United ayay sare ugaga soo kacday, waxaanay soo gashay kaalinta sagaalaad ee horyaalka.

Kulankan oo uu ka maqnaa kabtan Aubameyang oo xanuunsanayay ayaa waxa isku muujiyey Alexandre Lacazette oo laba gool dhaliyey iyo da’yarka reer Brazil ee Gabriel Martinelli oo goolkiisa dhaliyey.

Daqiiqaddii 33aad ee qaybta  hore ayuu Alexandre Lacazette dumiyey derbiga difaaca Sheffield United, isagoo goolka ku qabtay kubbad qurux badnayd oo uu caawinteeda lahaa Dani Ceballos.

Dhamaadka qaybta hore uu Alexandre Lacazette ku dooday in rikoodhe la siiyo, kaddib markii uu la kulmay kubbad hoose oo uu koornaha ka keenay Pepe, laakiin waxay gacanta kaga dhacday Norwood, taas oo keentay in laga soo hubiyo VAR.

Garsooraha ciyaarta ayaan waxba kasoo qaadin gacantaas, kuna adkaystay in aanay u qalmayn rikoodhe, waxaana go’aankaas ku raacay VAR oo laga soo hubiyey.

Arsenal ayaa si aad ah uga awood badnayd Sheffield United oo ah kooxda goolasha ugu yar ka dhalisay horyaalka xilli ciyaareedkan, waxaanay heleen fursado kale oo ay goolal ku dhalin karayaan.

Daqiiqaddii 71aad ayuu laacibka reer Brazil ee Gabriel Martinelli hoggaanka usii dheereeyey Arsenal, iyadoo uu goolhaye Ramsdale ku celiyey kubbad uu hore ugu toogtay Pepe oo uu iska soo celiyey.

Ciyaarta oo dhamaadkeeda ay shan daqiiqadood oo kali ahi ka hadhsan tahay ayuu Alexandre Lacazette mar kale shabaqa soo taabtay, isagoo saxeexay goolka saddexaad ee kooxdiisa iyo midkiisa labaad ee kooxdiisa.

Kubaddan ayaa waxa ka shaqeeyey Thomas Partey oo ciyaar fiican muujiyey caawa.

Arsenal ayaa kasoo dallacday kaalinta 11aad ee ay dhalay u degtay, waxaanay soo gashay kaalinta sagaalaad ee miiska kala-sarraynta, waxaanay farqiga goolasha kaga sare mareen Leeds United oo ay min 45 dhibcood leeyihiin.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here