Real Madrid Oo Garaacday Barcelona, Benzema Oo Taariikh Cusub Dhigay Iyo HABAARKII Lionel Messi Oo Sii Socda.

0
161

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid ayaa guul dahabi ah ka gaadhay Barcelona oo ay ku martigelisay garoonkeeda Alfredo Di Stefano, waxaanay kaga badisay 2-1.

Ciyaar aad u xiiso badnayd oo ay xamaasaddeeduna sarraysay ayay labada kooxood ugu dagaallameen midkii hore u ruqaansan lahaa, isla markaana hoggaanka ku qabsan lahaa Atletico Madrid.

Zinedine Zidane ayaa shax beddel cajiib ah sameeyey ciyaartan isagoo khadka dhexe awoodda saaray, waxaanay taatikadiisu shaqaysay dariiqaddii 13aad oo Fede Valverde oo ahaa laacibka ku cusbaa safka kooxdu uu kubbad kasoo qaatay khadka dhexe, una dhiibay Vazquez oo isaguna usoo gudbiyey Benzema oo cidhib qurux  badan ku dhaliyey goolka koowaad ee ciyaarta.

Real Madrid ayaa dardarteedu ka socotay dhinaca bidix ee uu taagnaa Vinicius Junior, waxaana uu laacibkani burburiyey difaacyada Barcelona.

Qalad lagu galay Vinicius Junior daqiiqaddii 28aad meel aan ka fogeyn xerada ganaaxa Barcelona, ayaa waxa qaatay Toni Kroos oo kubbad awood badan ku liishaamay, waxaanay kusii dhacday ciyaartoy Barca ah ka hor intii aanay shabaqa dhaqaanin.

Barcelona ayaa qaybtii dambe si adag u shaqaysay, waxaanay kubbado badan oo lis ahaa keeneen xerada ganaaxa Real Madrid, waxaase is-difaac adag sameeyey Nacho iyo Militao oo aan mar qudha seexanin.

Daqiiqaddii 60aad ayay Barcelona jabisay difaaca Real Madrid, waxaana kubbad uu Jordi Alba ka keenay dhinaca bidix ka booday Griezmann waxaanay u tagtay Oscar Mingueza oo goolkiisii ugu horreeyey ee El Clasico dhaliyey.

Barcelona ayaa ku dooday in ay heshay rikoodhe qaybtii dambe markii uu Braithwaite ku dhacay xerada ganaaxa, waxaase loo sheegay in uu astuuray.

Daqiiqadii ugu dambaysay ayay Barcelona birta u garaacday Real Madrid, waxaase nasiibkooda kubadda oo usoo noqotay ay mar kale ku celiyeen goolka, hase yeeshee waxay dul-martay birta, iyadoo garsooruhuna degdeg u yeedhiyey siidhiga dhamaadka.

Real Madrid ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka LaLiga, waxaanay ka sare martay Atletico Madrid oo berri ciyaaraysa, halka Barcelona ay hal dhibic ka dambayso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here