Dowladda Uk oo Shaacisay Sababaha uu Reysal Wasaare Boris uga Baaqanayo Aaska Amiir Philip.

0
181

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Rai’sul wasaaraha dalka Britain ayaan ka qeyb gali doonin aaska Amiir Philip oo jimcihii geeriyooday.

“si inta suurtagalka ah ay xubno badan oo qoyska ka mid ah uga qeyb galaan xilli ay jiraan xannibaadaha feyriska Corona ” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska rai’sul wasaaraha.

Aaska amiirka ayaa lagu wadaa in uu dhaco sabtida soo socota.

30 qof oo kali ah ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan aaska loo sameynayo amiir Philip oo jimcihii geeriyooday.

Dadka ka qeyb galaya ayaa waxaa ay isugu jiraan caruurtiisa, caruurta uu awowga u yahay iyo xubnaha kale ee qoyskiisa.

Dad waynaha dalka Britain ayaa laga codsaday in aysan ka qeyb galin aaska amiirka.

Amiir Philip ayaa waxay da’diisu ahay markii uu dhimanayay 99 sano jir

Waxaa la shaaciyay in Amiirka la aasi doono Sabtida soo socota, 17 April. Amiir Philip ayaa la sheegay inuu codsaday in loo sameeyo munaasabad yar, dadkuna ma awoodi doonaan inay daawadaan naxashkiisa, waxaana lagu aasi doonaa Windsor Castle.

Maamus sharafeed ayaa loo sameeyay saddexdii qof ee ugu dambeysay ee Qoyska Boqortooyada ka tirsanaa, oo ay ku jirtay Hooyada Boqoradda sanadkii 2002, markaas oo 200,000 oo qof ay muddo ka badan saddex maalmood saf ugu jireen inay xushmad u muujiyaan.

Diana, Amiiradda Wales ayaa sidoo kale loo sameeyay munaasabad taas la mid ahayd.

Balse College of Arms, oo gacan ka geysata qabanqaabada munaasabadaha dalka,

ayaa sheegtay in qorshaha munaasabadda duugta ay u dhici doonto sida uu doonayay Amiirka.

Calanka u gaarka ah Amiirka, ayaa la filayaa in laga taago munaasabadaha.

Calanka wuxuu muujiyaa waxyaabo noloshiisa ku saabsan, raadkii uu ku lahaa Giriigga iyo waxyaabihii uu ka soo qabtay Britain.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here