Fahfaahino dheraad ah oo laga helaayo Dagaal ka dhacay dalka Yemen.

0
252

Jowhar (Radio-isnaay)- Dagaalka loogu jiro gacan ku heynta gobolka muhiimka ah ee Marib ee dalka Yemen ayaa sii xoogeystay, iyadoo 24-kii saac ee la soo dhaafay ay ku dhinteen 53 dagaalyahan oo isugu jira ciidamada taabacsan dowladda iyo fallaagada Xuuthiyiinta.

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa isku dayaysa inay la wareegto gobolka saliidda hodanka ku ah ee Marib.

Ilo-wareedka ayaa sheegay in 22 ka tirsan ciidamada dowladda oo ay ku jiraan shan sarkaal la dilay, iyadoo 31 ka tirsan fallaagada ay ku dhinteen dagaalka.

Xuuthiyiinta ayaan sheegin tirada askarta uga dhinta dagaallada kooxdu qaaddo.

Kooxdan oo ay taageerto dowladda Iran ayaa sanadkii 2014 la wareegtay gacan ku haynta caasimadda Sanca oo 120 km dhanka waqooyi kaga beegan Marib.

Taasi ayaa keentay in isbahaysiga ay Saudi Arabia hoggaamiso uu bishii March ee 2015-kii soo farageliyo dagaalka si loo taageero dowladda.

Saraakiisha militariga ayaa Sabtida maanta ah sheegay in diyaaradaha isbahaysiga ay qaadeen duqeymo ka dhan ah fallaagada, laakiin Xuuthiyiinta ayaa sii xoojiyay weerarkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here