Zlatan Ibrahimovic Oo Soo Metelaya Filim Taxane Caan Ah & Qaybta Uu Ku Yeelanayo Oo La Shaaciyey.

0
186

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weeraryahanka reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic ayaa soo metelaya filim caan ka ah dunida oo taxane ah, kaas oo la shaaciyey jileyaasha oo uu isaguna ka mid yahay.

39 jirkan afka hore uga ciyaara AC Milan ayaa lagu daray liiska jileyaasha filimkan, waxaana la saadaalinayaa in uu noqon doono bilowga nolol cusub oo uu laacibkani geli doono.

Dad badan ayaa markii ay arkeen magaca Ibra oo ku jira liiska aktarada metelaya filimkan, waxay ku tilmaameen in uu weeraryahankani noqon doono jilaa rasmi ah oo marka uu ciyaaraha ka fadhiisto uu geli doono saaxadda jilliinka.

Sida ay qortay majaladda Deadline, Ibrahimovic ayaa kasoo muuqan doono qaybta soo baxaysa ee filimka lagu magacaabo Asterix and Obelisk oo magacnaheedu yahay “Boroqtooyada Dhexe”.

Filimkan ayaa ah kan shanaad ee ugu caansan filimada luuqadda Faransiiska ku baxa ee taxaneyaasha ah.

Zlatan Ibrahimovic ayaa maanta bartiisa bulshada ee Twitterka ku shaaciyey in uu filimkaas meteli doono, isla markaana uu qaadanayo qaybta ‘Antivirus’, waxaana kula jiraya xiddigo caan ka ah shirkadda filimada Maraykanka ee Hollywood.

Filinkan oo uu soo saaray Guillaume Canet, ayaa waxa xiddigaha ku jira ka mid ah Asterix iyo Gilles Lellouche.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here