Inter Milan Oo 11 Dhibcood Hoggaanka Ku Qabatay, Iyo Miiska Kala-sarraynta Horyaalka Talyaaniga.

0
296

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa sii dheeraysatay hoggaanka horyaalka Talyaaniga ee Serie A oo ay 11 dhibcood kaga qabatay AC Milan oo kusoo xigta.

Tababare Antionio Conte ayay kooxdiisu kusii dhowaanaysaa in ay ku guuleysato horyaalka markii ugu horreysay tan iyo 2010kii, waxaana caawa saddexda dhibcood ka qaadatay Sassoulo kulan uu wacdaro dhigay Romelu Lukaku oo uu gool dhaliyey, mid kalena caawiye ka noqday.

Horyaalka Talyaaniga oo dhamaadkiisa ay ka hadhsan tahay sagaal ciyaarood ayay Inter hoggaankiisa ku qabatay 11 dhibcood oo ay ka horreyso AC Milan oo kaalinta labaad ku jirta.

Romalu Lukaku ayaa daqiiqaddii 10aad ee ciyaarta shabaqa Sassuolo ku hubsaday kubbad uu usoo dhiibay laacibka reer England ee Ashley Young, iyadoo waqti dambena uu ka shaqeeyey gool uu saaxiibkii Lautaro Martinez guusha ugu go’aamiyey kooxda.

Kulankan oo baaqi u ahaa labada kooxood ayaa waxay Inter ku xaqiijisatay in ay kusii dhowaato hanashada horyaalka, taas oo haddii ay suurtogeliso ay kusoo afjarayso sagaal sannadood oo xidhiidh ahaa oo koobka si xidhiidh ah ay ugu guuleysanaysay Juventus.

Nerazzurri ayaa ciyaarta xigta waxay la ballansan tahay Cagliari Axadda toddobaadka dambe, taas oo ay rajaynayaan in ay sii wataan guulaha

RIKOODH:

Inter ayay caawa u haayd guushii 10aad ee xidhiidh ah ee ay kasoo hoyso horyaalka Serie A, waxaana lagu qoray taariikhda horyaalka iyadoo noqotay kooxdii ugu horreysay ee abid 10 ciyaarood oo isku xiga saddexda dhibcoodba qaadatay qaybta dambe ee horyaalka.

Dhinaca kale, Juventus ayaa soo gashay kaalinta saddexaad ee horyaalka iyadoo guul ay ku rafaadday ka gaadhay Napoli.

Cristiano Ronaldo ayaa Juventus u dhiibay hoggaanka qaybtii hore, iyadoo uu shabaqa ku taabtay kubbad uu dhinaca midig kasoo jabiyey Federico Chiesa, waxaana qaybtii dambe mid labaad ku daray Paulo Dybala, laakiin Napoli ayaa waqti dambe heshay gool aan waxba ka beddelin natiijada ciyaarta oo uu u saxeexay Lorenzo Insigne.

Inter Milan oo hoggaanka haysa ayaa leh 71 dhibcood, waxaana ku xigta AC Milan oo 60 dhibcood ka heshay 29 ciyaarood, halka Juventus ay soo gashay saddexaad oo ay haysato 59 dhibcood.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here