Rikoodh Laga Diiwaangeliyey Shaxda Real Madrid Ee Zinedine Zidane Kala Hor-tegay Liverpool.

0
238

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shaxda Real Madrid ay kala hor tagtay Liverpool lugta hore ee wareegga siddeedda ayaa markii ay soo baxday, waxa durba qorantay taariikh aan beryahan la arag oo ku saabsan kooxdaas.

Zinedine Zidane ayaa go’aansaday in uu ka guuro shaxdii uu beryahan ku ciyaari jiray ee ahayd 3-5-2, waxaanu u guuray 4-3-3, kaddib markii fayraska Korona uu ku dhacay difaaca reer France ee Raphael Varane.

Real Madrid ayaa garoonka kusoo gashay: Courtois, Vazquez, Militao, Nacho, Mendy, Casemiro, Modric, Kroos, Asensio, Vinicius, Benzema, taas oo ka dhigan in Militao iyo Nacho ay yihiin xiddigaha khadka dhexe, halka afka horena ay saddexda ciyaartoy ee Benzema, Asensio iyo Vinicius wada taagan yihiin.

Real Madrid ayay ku habsatay dhibaato dhinaca difaaca ah saacado kooban ka hor ciyaartan Liverpool ay ku qaabbilayaan, waxaana gellinkii dambe ee maanta la ogaaday in Varane uu gelayo karantiil laba usbuuc ah oo aanu ciyaari doonin labada kulan ee Liverpool ee caawa iyo lugta labaad ee Arbacada dambe iyo sidoo kale sidoo El Clasico oo ay Sabtida la ciyaari doonaan Barcelona.

Maadaama uu hore u dhaawacnaa Sergio Ramos, Zidane ayaa kaliya haysta Nacho iyo Militao oo saddexdan kulan ba iska garab ciyaari doona  haddii ay taam ahaadaan.

Rikoodhka la diiwaangeliyey

Real Madrid ayaa loo diiwaangeliyey rikoodh cusub oo sannadihii ugu dambeeyey aan soo marin, waxaanay tahay markii ugu horreysay ee ay kulan Champions League ah ciyaaraan iyadoo ay ka wada maqan yihiin Sergio Ramos iyo Raphael Varane tan iyo sannadkii 2018kii.

Labadan laacib oo ka wada maqnaada hal ciyaar oo Champions League ah, waxa ugu dambaysay kulankii ay guul-darradu kasoo gaadhay ee CSKA Moscow ay kusoo garaacday 3-0 December 2018. Ciyaartaas ayaa ahayd markii ugu horreysay ee labadooduba ay ka maqnaadaan tan iyo 2016kii, waxaana soo raacday caawa oo noqon doonta habeenkii labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here