Real Madrid Oo Dhulka La Dhacday Liverpool iyo Vinicius Oo Taariikh Cusub Dhigay.

0
187

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa guul weyn ka gaadhay Liverpool oo ay dhex jiid-jiiday garoonka Alfredo Di Stefano, iyadoo ku garaacday 3-1.

Real Madrid ayaa muujisay in ay aad uga awood badan tahay Liverpool oo ka liidatay dhinaca walba, waxaana dilay orodka aan joogsiga lahayn ee Vinicius Junior oo ku darsaday gool-dhalin aan hore loogaga baran.

Daqiiqaddii 27aad ayay Real Madrid heshay goolka koowaad oo uu u dhaliyey Vinicius Junior oo xabbadka ku maamulay kubbad uu meel fog kasoo tuuray Toni Kroos, kaas oo uu goolhaye Alisson oo uu la hor tegay u diiday wax fursad ah.

Marco Asensio ayaa toban daqiiqadood kaddib ku daray gool kale oo qurux badan, iyadoo uu ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey Alexander-Arnold, laakiin Los Blancos ayaa qaybta hore iska lumisay fursado kale oo ay goolal ku dhashan karayeen.

Qaybtii dambe oo afar daqiiqadood socotay ayay Liverpool la timid gool uu u dhaliyey Mohamed Salah, waxaase goolkaas meesha ka saaray oo mar kale hoggaanka usii dheereeyey Real Madrid Vinicius Junior oo ahaa xiddiga garoonka.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-1 ay guushu ku raacday Real Madrid, waxaanay labada kooxood lugta labaad iskugu tegi doonaan garoonka Liverpool ee Anfield oo ay Arbacada toddobaadka dambe ku wada ciyaari doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here