Booliska Filibiin oo lagu Eedeeyay in ay Jimicsi ku Dilleen Nin Jabiyay Sharciga Covid-19.

0
222

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Nin u dhashay dalka Filibiin oo lagu helay inuu jebiyay sharciga xayiraadaha ee uu sababay cudurka covid-19 ayaa geeriyooday kadib markii lagu ciqaabay inuu sameeyo 300 oo kac-fadhiisi ah kaas oo ah nooc ka mid ah jimicsiga waxaana ninkaan qoyskiisu ay sheegeen in boolisku ay arrintaan ku amreen wiilkooda.

Darren Manaog Penaredondo ayaa la sheegay inay askartu joojiyeen isagoo biyo iibsanaayay meel ka mid ah gobolka Cavite ee dalkaas.Waxaa la sheegay inuu suxay markii hore maalintii xigtayna uu geeriyooday

Gobolka Cavite, oo ku yaalla jasiiradda Luzon, ayaa hadda ku jira xayiraad adag si looga hortago faafitaanka Covid-19.

Marlo Solero, oo ka mid ah taliyaasha ciidamada ayaa sheegay in aysan jirin ciqaab jireed loo geysto dadka lagu helo in ay jebinayaan sharciyada bandowga, balse wuxuu intaa ku daray in haddii lagu helo saraakiishu inay sameeyen ciqaabtan sababtay geerida ninkaan aan loo dulqaadan doonin.

Qof ka mid ah ehelada ninka geeriyooday ayaa ku shaaciyay bartiisa Facebook geerida ninka ay ehelka ahaayen,wuxuuna sheegay in Mr Penaredondo iyo dadka kale ee lagu helay inay jabiyeen bandowga loo sheegay inay sameeyaan 100 jeer nooc ka mid ah jimicsiga.

Haddii ay ku guuldareystaan inay sameeyaan isla waqtigaas, waa inay ku celiyaan ciqaabta boolisku ku amreen ayuu yiri qofka ay ehelka yihiin ninka dhintay .

Shaqsiyaadka lagu eedeyay jabinta sharciga bandowga waxay dhammeyen 300 oo jimicsi oo marna ay fariisanayaan marna istaagayaan.

Mr Penaredondo wuxuu guriga tagay subaxdii jimcaha isagoo xanuun dareemaya, ayuu yiri walaalkiis.

Xaaskiisa ayaa u sheegtay warbaahinta maxalliga ah inuu dareemayay dhibaato xoogan oo ka soo gaartay Jimcisiga

Maalintii ku xigtay ayuu dhacay oo neefta ayuu joojiyay. Ms Balce ayaa ka codsatay deriska inay ka caawiyaan xaaladiisa, laakiin waxaa la sheegay inuu dhintay wax yar ka dib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here