Kenya oo Xabsiga Dhigtay Dad Jabiyay Xeerarka lagu Xakameynayo Covid-19.

0
214

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ciidamada  ismaamulka Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Maanta xir xiray  in ka badan  177 qof oo lagu eedeyay in aysan u hoggaansamin amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafidda cudurka COVID-19.

Goobta dadkaas laga xiray ayaa waxaa kajiray isu-imaatin ballaran, waxaana ay keentay in iidamo boolis ah ay tagaan, isla markaana ay xir xiran badi dakii ku sugnaa.

Taliyaha booliska ee ismaamulka Nairobi ,Augustine Nthumbi ayaa sheegay in qaar ka mid ah shakhsiyaadka la xiray ay ku dhex jireen goobaha lagu caweeyo halka kuwo kalena ayna sidan maaskaro in kastoo ay ku sugnaayeen meelaha dadku ku badan yihiin.

Sidoo kale  waxaa uu taliyaha hadalkiisa uu intaasi ku daray in eedeysanayaasha maxkamadda la soo taagi doono berri oo Talaado ah, isla markaana Booliska ay sii wadi doonan  howlgallada lagu xaqiijinaya in si buuxda loogu hoggaansamo amarrada lagula tacaalaya caabuqa corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here