Daadad Khasaare Dhaliyay oo ku Dhuftay Waddanka Indonesia.

0
208

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhintay daadad soo rogmaday iyo dhulka oo meelo go’ay dalalka Indonesia iyo Timor Leste maalintii Axaddii.

Roobab mahiigaanno ah ayaa khasare laxaadle geystay, waxaana uga sii daray biyo-xidheennada fatahay oo kumanaan guri oo ku yaal jasiiradahaas qaaday.

Goobaha masiibadu ku habsatay waxay fidsan yihiin laga bilaabo jasiiradda Flores ee bariga Indonesia ilaa dalka ay olloga yihiin ee Timor Leste.

Shaqaalaha gurmadka ayaa isku deyaya in ay helaan cid ka badbaaday, waxaanay saraakiishu sheegeen in dhimashadu intaa ka badan karto.

“Afar waaxood oo degmo hoos taga iyo todoba tuulo ayaa dhibtaatadu gaadhay” ayuu yidhi af-hayeen u hadlay wakaaladda ka hortagga masiibooyinka oo la hadlay warfidiyeenku.

“Markaanu baadhnay xogta ay soo direen kooxaha goobta gaadhay waxaanu xaqiiqsannay in ay 41 qof dhinteen 27 qof na weli la la’yahay sagaal kalena dhaawac yihiin”.

Hase ahaatee badhasaab ku xigeenka East Flores, Agustinus Payong Boli, ayaa qiyaasta uu bixiyey ku sheegay in dad gaadhaya 60 ku dhinteen degmadiisa. Tiradaas weli may xaqiijinin dawladda dhexe ee Indonesia.

“Dadka dhintay badankooda oo ah 55 ayaa ku dhintay tuulada Lemanele” ayuu yidhi isagoo la hadlayey wakaaladda wararka ee AFP.

“Dad badan ayaa halkan ku dhintay oo dhulka oo go’ay iyo daadad soo rogmaday isugu biireen” ayuu intaa ku daray.

Saraakiisha Timor Leste ayaa iyaguna sheegay in 11 qof ku dhinteen daadad ku soo rogmaday magaalo madaxda Dili.

Waxaanu weli baadhaynaa meelihii masiibadan dabiiciga ahi ku habsatay” ayuu yidhi Joaquim Jose Gusmao dos Reis Martins, oo ah xoghayaha wakaalada daryeelka rayidka ee Timor oo la hadlay warfidiyeenku.

Dadkii ku dhaawacmay goobahaas ayaa loo daad gureeyey tuulooyinka u dhow ee aanay dhibaatadu gaadhin iyo isbitaalada iyo xarumaha kale ee caafimaad.

Daadadka waaweyn iyo dhulk oo go’aa waa waxyaabo caadi ka ah jasiiradaha Indonesia xilli roobaadka oo socda inta u dhaxaysa Noofember ilaa Maarij.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here