Xiddigaha Zidane Kala Hor-tegi Doono Liverpool Kaddib Dhaawacii Sergio Ramos oo la shaaciyay.

0
173

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mohamed Salah iyo Sergio Ramos isma arki doonaan sannadkan iyagoo la kala safan kooxahooda Liverpool iyo Real Madrid, sababtuna waxay tahay in kabtanka reer Spain uu dhaawac ku seegayo kulamada wareegga siddeedda tartanka Champions League.

Labadan ciyaartoy ayaa ahaa xudunta hadal-haynta isku-dhaca Real Madrid iyo Barcelona oo markii ay iskaga hor yimaaddeen finalkii Champions League ee 2018kii uu Sergio Ramos garabka ka jabiyey Mohamed Salah.

Sida uu noqon doono jawiga labada ciyaartoy iyo halka ay gaadhsiisnaan doonto cadaawaddoodu ayaa ahaa su’aalaha taagan, balse waxa iyaduna miiska saarnayd haddii uu Salah isku dayi doono inuu ka aargoosto Ramos.

Hadal-hayntaas oo dhan ayaa soo dhamaatay Khamiistii markii ay soo baxday warbixinta caafimaad ee Sergio Ramos oo dhaawac kasoo gaadhay kulamadii caalamiga ahaa, isla markaana muddo toddobaadyo ah garoomada ka maqnaan doona.

Kaliya lugta hore ee Liverpool ma seegayo Ramos, waxaase aanu fursad u helaynin lugta labaad iyo sidoo kale El Clasico iyadoo ciyaarahanna yihiin kuwa go’aaminaya xilli ciyaareedka Real Madrid.

Si kastaba, Zinedine Zidane ayaa haysta ciyaartooyo kale oo ugu filan in uu ku dagaal-galo, waxaana haddaba bannaanka la keenayaa xiddigaha uu tababaraha reer France u xulan doono ciyaartaas.

Dani Carvajal, Toni Kroos iyo Fede Valverde ayaa la sheegay in ay diyaar u noqon doonaan ciyaarta Liverpool ee lugta hore, taas oo nafis u noqon doonta Zidane maadaama uu heli doono doorashooyin difaaca midig ah oo uu shax beddel ku samayn karo Lucas Vazquez iyo Carvajal.

Sidaas oo kale, waxa taam noqonaya Kroos iyo Valverde oo dhaawacyo fudud qaba, lana sheegayo in ay xataa diyaar noqon karayaan kulanka Sabtida ee Eibar, hase yeeshee ay suurtogal tahay in la nasiyo si ay iyagoo badqaba u ciyaaraan kulanka Liverpool.

Karim Benzema oo ku dhowaad laba toddobaad oo ciyaaraha caalamiga ah lagu maqnaa kusii nasanayay Madrid ayaa noqon doona hubka ugu culus ee uu Zidane isticmaali doono, iyadoo labada kooxood mid walba garoonkeeda loogu tegi doono.

Haddii aanay dhaawacyo kale imanin, Zinedine Zidane ayaa haysta koox adag, laakiin waxa uu kusoo dari doonaa illaa saddex ciyaartoy oo da’yar ah oo dhamaystiri doona liiska kooxda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here