Xiddig Arsenal Ah Oo Sabab Qiiro Leh Yurub Oo Dhan Uga Tagaya.

0
202

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Khadka dhexe ee qaabka amaahda ah kaga maqan kooxda Arsenal ee Lucas Torreira oo jooga hadda kooxda Atletico Madrid ayaa ka hadlay sida uu gabi ahaanba u doonayo inuu iskaga tago kubadda cagta Yurub oo uu ugu biiro kooxda ree Argentina ee Boca Juniors.

Arsenal ayaa xagaagii hore u aragtay Torreira mid dheeri ku ah baahideeda kaddib saxeexa Thomas Partey waxaana ay amaah ugu fasaxeen dhinaca Atletico.

Si kastaba, xiddiga ree Uruguay ayaa noqday mid ay ku adkaatay inuu boos ka helo tababare Diego Simeone kaas oo tartamada oo dhan ilaa haatan xilli ciyaareedkan kaliya 629 daqiiqo dheelsiiyay.

Horraantii toddobaadkan Torreira ayaa la siiyay fasax uu ugu laabanayo deegaankiisa Fray Bentos kaddib markii ay hooyadii u geeriyootay sadhada dilaaga ah ee Korona Fayras.

Hooyada Torreira oo lagu magacaabayay Viviana Di Pascua ayaa maalmo lagu hayay meel caafimaadkeeda lagula tacaalayay balse ugu dambayn geerideeda ayaa la xaqiijiyay Salaasadii.

Geerida Viviana ayaa dhalisay in wiilkeeda oo waraysi ay murugo weyni ka muuqato laga qaaday sheego ku laabashada South America si uu eheladiisa ugu dhawaado isla markaana ku biiro kooxdiisii carruurnimo uu taageeri jiray ee Boca Juniors.

Lucas oo ESPN la hadlay ayaa yidhi “Waxaan isku dayayaa inaan xaalada fahmo, way adagtahay in qoddobada la isku fahmo laakiin wakhtigu wuu soconayaa, xanuunkan waanu la noolaan doonaa”

“Hooyaday waxay ahayd 53 sano jir waxaana ay u dhimatay Covid, waxaan weydiistay Atletico wakhti fasax ah, Locho (Simeone) waxkasta wuu fahmay waxayna i siiyeen toddobaad laakiin waxaan weydiistay inaan joogo mudo wax yar ka badan, Axada hubaal waan noqon doonaa”

“Maaha go’aan waali ah oo aan sababta hooyaday u gaadhay, waxaan markasta sheegi jiray inaan doonayo inaan u ciyaaro Boca, waan u dhimanayaa inaan Boca u ciyaaro, habeenkay hooyaday geeriyootay mid kamida dadka ugu horreeyay ee warka maqlay waxa uu ahaa wakiilkayga, ma doonayo inaan Yurub ka ciyaaro intaas wax ka badan”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here