Haween iyo Carruur Tahriibeyaal ah oo ku Geeriyooday Xeebaha Dalka Liibiya.

0
213

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Laba haween ah iyo saddex carruur ah ayaa ku qaraqmay xeebta Liibiya, ka dib markii ay la qalibmatay dooni ay Saarnaayeeen taa oo ku sii jeeday Waddamada Qaaradda Yurub.

Ilaalada xeebaha Liibiya iyo doon kaluumeysi ayaa ku guuleystey in ay badbaadiyaan 77 qof oo kale, ayuu yiri Safa Masehli oo ah afhayeenka hay’adda socdaalka IOM.

Guud ahaan, 400 qof ayaa la qabtay oo dib loogu celiyey Liibiya lana geeyey xarumaha dadka lagu hayo.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa dhowr jeer dhaleeceeyay ku noqoshada qaxootiga ee Liibiya, halkaas oo ku xiran yihiin dad xaalado naxdin leh laga soo sheegay.

Xarumaha dadka lagu hayo ee Liibiya ayaa ah kuwo ay buux dhaafiyeen nadaafad daro waxaana dadka halkaasi ku xiran ay soo sheegaan in jirdil ay u geystaan ilaalada, sidaa oo kale waxay la kulmaan xad gudubyo, iyaga oo qoryaha baadkooda lala dhoco.

Liibiya ma jiro sharci qaxooti ama mid magangelyo oo Xilligan Damaanad Qaadi kara Badqabka Muhaajiriinta Doonaya in ay Dalkaasi ku Nagaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here