Arin lama Filaan ah oo Ka Dhacday Xerada Tababarka Real Madrid Ee Valdebebas Arbacadii Shalay.

0
235

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid ayaa tababarkii saddexaad ee toddobaadkan ay ciyaartoydeedu ku qaateen xarunta layliska ee Valdebebas, waxaana war fiican uu uga soo yeedhay tababare Zinedine Zidane.

Toni Kroos iyo Fede Valverde oo dhaawacyo qabay ayaa dib ugu soo laabtay garoonka tababarka iyagoo ciyaartoyda kale la qaatay jimicsiyadii kala duwanaa, sidoo kalena kubad ciyaaris sameeyey.

Real Madrid oo ay kusoo fool leeyihiin kulamada adag ee Eibar oo Sabtida ah, Liverpool, Barcelona iyo Liverpool oo lugta labaad ee wareegga siddeedu ay ugu sii xigayso, ayaa waxa farxad geliyey in labadan ciyaartoy ay tababarka yimaaddeen, isla markaana ay diyaar u noqonayaan ciyaarahan go’aaminaya xilli ciyaareedka kooxdooda.

Zinedine Zidane ayaa Jimcaha xaqiijin doona haddii Kroos iyo Valverde ay ciyaari doonaan kulanka Eibar, waxaanu macluumaadka oo dhamaystiran kusoo bandhigi doonaa shir jaraa’id oo uu Madrid ku qaban doono ka hor inta aanu shaacin liiska xiddigaha kooxdiisa ee kulanka Eibar.

Wargeyska Marca ayaa shaaciyey in xataa haddii Kroos iyo Valverde ay qayb ka noqon waayaan ciyaarta Eibar ee Sabtida, in ay si buuxda ugu diyaar yihiin kulamada adag ee saddexda ah ee ka dambeeya, gaar ahaan Liverpool oo April 6 ay lugta hore ku ballansan yihiin.

Waxa kale oo tababarka Real  Madrid kusoo laabtay Eden Hazard iyo Dani Carvajal oo garoonka lagu arkay inkasta oo aanay wali qayb ka noqon kooxda.

Hazard ayaa bilaabay in uu garoonka dhexdeeda tababar kubadda ah ku sameeyo, sidoo kalena Carvajal ayaa maalmihii ugu dambeeyey lagu arkayay isagoo garoonka doogga ah ku samaynaya tababarka, inkasta oo Arbacadii shalay uu qolka jidh-dhiska ee Gym ku qaatay.

Labadan laacib ee dambe ayaan wali taam u ahayn in ay kulamadan adag qayb ka noqdaan, waxaana la siin doonaa waqti kale oo ay taam ahaansho buuxa ku helaan.

Dhinaca kale, Real Madrid ayaa Khamiista maanta sugaysa Luka Modric, Thibaut Courtois iyo Sergio Ramos oo kasoo laabanaya kulamada caalamiga ah ee isreeb-reebka Koobka Adduunka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here