Galmudug oo Xukunno Lacageed ku Ridday Kulluumeysato Ajaanib ah.

0
247

Jowhar (Radio Isnaay) Maxkamadda Gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa ganaax lacageed oo mid $700 oo Doolar ku riday 31 ruux oo si sharci daro uga kalluumeysanayay xeebaha maamulkaas.

Kalluumeysatadan oo ka soo jeeday waddanka Yemen ayaa laga soo qabtay xeebaha u dhexeeya degmooyinka Hobyo iyo Xarardheere sida ay maxkamaddu sheegtay.

Dadka la qabtay ayaa ka koobnaa 39 qof balse 8 kamid ah ayaan wax xukun ah lagu ridin maadaama lagu sheegay carruur aan qaan-gaarin.

Sidoo kale maxkamaddu waxay xukuntay in lala wareego doontii iyo qalabkii ay wateen raggaas.

Warbixintan Waxaa inoo soo Jeedineysa:- Cabdi Casiis Xasan cabdulle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here