Kabo dhiigga bani’aadanka lagu sameeyay oo muran Badan ka dhaliyay Caalamka.

0
176

JOWHAR (Radioisnaay) Shirkadda kabaka iyo dharka soo saarta ee Nike ayaa maxkamad la tiigsaneysa shirkad kale oo kabaha dib u farsameysa, oo lagu magacaabo MSCHF, kaddib markii uu muran xoog leh ka dhashay kabo la dhalan rogay oo laga dhigay wax lagu sheegay “kabo sheydaan” kuwaasoo ka kooban dhibco dhiig bani’aadan oo run ah oo qeybta hoose lagu dhex sameeyay.

Kabahan oo nooca jimicsiga lagu sameeyo ah ayaa hoos looga qoray erayga “Luke 10:18”, iyadoo la isticmaalay kabaha Nike ee noocoodu yahay Air Max 97s.

Qiimahooda waxaa laga dhigay $1,018 (oo u dhiganta £740)

Shirkadda MSCHF ayaa Isniintii markii ugu horreysay suuqa kusoo bandhigtay 666 joog oo kabahaas ah, waxaana u xayeysiinayay fannaanka heesaha raabka sameeya ee la yiraahdo Lil Nas X.

Waxay mas’uuliyiinta shirkaddan sheegeen dhammaan kabihii looga wada iibsaday wax ka yar hal daqiiqo gudaheed.

Hase yeeshee, Nike ayaa sheegeysa in lagu xad gudbay shuruucdeeda ganacsiga.

Kabaha midabkoodu isugu jiro madowga iyo casaanka ayaa markii Isniintii lasoo bandhigay waxay ku soo aadeen daah furka heesta cusub ee Lil Nas X, ee loo bixiyay Montero (Call Me By Your Name),

taasoo Youtube-ka lasoo galiyay maalintii Jimcada.

Inta ay heesta socotay ayuu fannaanka kusoo qaatay waxyaabo kabaha la xiriirinaya “inuu leeyahay sheydaan”.

Nike oo ku caan baxday soo saarista agabka lagu ciyaaro ayaa hadda kiis dacwadeed ka diiwaan galineysa maxkamad uu fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Mareykanka, iyadoo ku dooneysa in aysan oggolaanin ficilka loo adeegsaday kabaheeda lagu tilmaamay kuwa sheydaanka.

Waxay Nike ka codsaneysaa maxkamadda inay hor istaagto in MSCHF ay mar kale iibiso kabahaas iyo inay ka joojiso isticmaalka astaanta kabaheeda.

“MSCHF iyo kabaha ay sameeyeen ee lagu qeexay sheydaanka waxay jah wareer ku ridayaan macaamiisheenna,” ayaa lagu yidhi qoraal ay Nike u adeegsatay maxkamadda.

Arrintan ayaa hadal-heyn ballaaran ka dhalisay gudaha Mareykanka iyo meelo kale oo ka mid ah caalamka.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here