Faah Faahinno Ka soo Baxaya Dil Muwaadin Soomaaliyeed Loogu Geystay Koofur Afrika.

0
149

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay Gudaha dalkaasi waxaa ay ku dileen muwaadin Soomaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida  ku nool dalkaas ee u tegay inay ka Ganacsadaan.

Kooxaha hubeysnaa ayaa Goobtiisa Ganacsi oo ku taalla Xaafadda Belhar oo ka tirsan Magaalada Cape Town ugu tegay Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Cabdillaahi Cabdiaxmaan Sheekh Cali, iyaga oo Afar Xabadood uga dhuftay qeybaha sare ee Jirkiisa.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in Kooxaha burcadda ah ka hor dilka ay iska soo dhigeen qaar kamid ah Macaamiisha Dukanka, kadibna daaqada dadka adeega looga dhiibo ay ka dhex toogteen.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo doonayay inay gacanta ku dhigan dadkii ka dambeeyay falka dilka ah, kuwaas oo Goobta ka baxsaday, hayeeshee aysan ku guuleysan inay qabtaan.

Dalka Koonfur Afrika ayaa sanad walba waxaa dil iyo in la boobo hantidooda loogu geystaa Soomaali farabadan oo kamid ah Ganacsatada ku nool dalkaas, waxaana jirin ilaa iyo hadda cid iska xil saartay in laga hortago dilalka Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here