Tallaalka COVID-19 oo Maalintii labaad ka socda degaannada Puntland.

0
169

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxaa maalintii labaad ka socda guud ahaan Puntland gaar ahaan magaalada Garowe tallaalka Covid19 oo shalay laga daahfuray., waxaana Garoowe maanta tallaalka ka qaatay siyaasiyiin, Isimo,Professor Jaamacadeed iyo Saraakiisha ciidamada qaarkood.

Dadka tallaaka qaatay ayaa waxaa kamid  Dr Abdirahmaan Mohamed Mohamuud Faroole Madaxweynihii hore ee Puntland, Gudoomiyaha Jaamacada Puntland State University Mohamuud Shiikh Hamud, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland, iyo Garaad Saleebaan Buraale.

Waxaa sidoo kale tallaalka maanta uu ka socdaa inta badan degmooyinka Puntland, waxaana bushada ay safaf dhaadheer ugu jiraan qaadashada tallaalka, sida ays heegtay Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Tallaalka wajigiisa koowaad ayaa socon doona 10 maalmood waxaana dadka talaalka qaata wajiga labaad talaalka qaadan doonaa bisha May ee Sanadkan 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here