Manchester United Oo War Naxdin Leh Looga Soo Sheegay Faransiiska.

0
213

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa war ay ka naxday uu kasoo gaadhay waddanka Faransiiska, kaddib dhaawac soo gaadhay weeraryahanka Anthony Martial oo dhaawac lagaga saaray garoonka kulan xulka  qarankiisa France uu galabta ku garaacay waddanka Kazakhstan oo ay marti ku ahaayeen.

Anthony Martial ayaa xanuun ka dareemay jilibka lugta bidix, waxaana degdeg  ugu yimid dhakhaatiirta qaybtii labaad, waxaanu garoonka ka baxay iyadoo la taageerayo.

Kulankii uu xulka qaranka Faransiisku 2-0 kaga soo adkaatay Kazakhstan oo ay ku booqdeen garoonka Astana Arena ee magaalada Nur-Sultan, ayuu Anthony Martial sii wadan kari waayey ciyaarta, waxaana xoogaa daaweyn ah kaddib laga saaray garoonka.

Tababaraha xulka qaranka Faransiiska ee Didier Deschamps ayaa si degdeg ah u beddelay Martial, iyasoo keenay Kylian Mbappe oo rikoodhe khasaariyey dhamaadkii kulanka.

Wali warbixin kamay soo saarin dhakhaatiirta xulka qaranka Faransiiska, sidoo kalena Manchester United ayaan helin macluumaadka saxda ah ee inta uu le’eg yahay dhaawaca Martial, hase yeeshee waxa la filayaa in maalinta berri ah tijaabooyin laga qaadi doono.

Faransiiska oo ay u hadhsan tahay ciyaar kale oo ka tirsan isreeb-reebka Koobka Adduunka oo ay Arbacada safar ugu tegi doonaan Bosnia-Herzegovina ayaan rajo badan laga qabin in uu Martial qayb ka noqon doono, hase yeeshee wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ay suurtogal tahay in uu ku laabto Old Trafford, halkaas oo haddii uu dhaawaciisu fududaado uu ugu diyaar-garoobi doono ciyaarta horyaalka Premier League ee Axadda ay kooxdiisu ku qaabbili doonto Brighton.

Si kastaba, Martial ayaa xilli ciyaareedkani u ahaa mid adag iyadoo ay soo gaadheen dhaawacyo marar kala duwan, isla markaana saluug badan laga muujiyey ciyaartiisa iyadoo gool-dhalintiisuna si aad ah hoos ugu dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here