Maamulka Koofur galbeed oo Billaabay Tallaalka Ka Hortagga Covid-19.

0
199

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Munaasabad ka dhacday xarunta karantiilka ee magaalada Baydhabo ayaa maanta lagu daah furey Tallaalka cudurka COVID-19 ee degaanada Koofur Galbeed.

Ku simaha madaxweynaha ahna ku guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Maxamed Nuur Maxamed Macalin ayaa furey tallaalka, isagoo shacabka ku booriyay in ay qaataan tallaalka.

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa dhowaan Baydhabo ka dejisay shixnad gaaraysay 30,000 oo kuuro oo tallaalka COVID-19 ah.

Wasiirka caafimaadka Koofur Galbeed, Maxamed Cismaan Jiidow, oo kamid ahaa mas’uuliyiinta lagu daah furey tallaalka ayaa bulshada ugu baaqay in ay is tallaalaan si cudurka looga hor tago.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Koofur Galbeed, Dr. Xuseen Maxamed Daahir, ayaa sheegay in tallaalka la gaarsiin doono dhammaan degmooyinka maamulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here