Xiddig Barcelona Ka Tirsan Oo Ka Seexan La’ Dhaawac Halis Ah Oo Ku Sababay Inuu Hurdada Ka Kaco Saddexda Habeenimo

0
203

JOWHAR (Radioisnaay) Markale wararka kooxda Barcelona ayaa ah kuwo haysta boggaga ugu sarreeya ee wargeysyada Spain iyadoo laga hadlayo dhaawaca da’yarka kooxdaas ee Ansu Fati haleelay gudaha xilli ciyaareedkan isla markaana ku sababaya wer-wer weyn kooxdiisa iyo xulka qaranka Spain labadaba.

Warbixin lagu qoray wargeyska Mundo Deportivo ayaa lagu sheegay in habeen kamid ah toddobaadkii hore uu Fati awood u yeelan waayay inuu ka seexdo dhaawaca jilibka ka haleelay oo barar yeeshay isla markaana uu hurdada ka kiciyay saddexdii habeenimo.

18 sano jirkaas ayaa xilli horeba laba jeer qaliin ka maray jilibkiisa balse raadiyaha Cat Radio ayaa sheegay in wali qaybta uu dhaawaca ka gaadhay ee jilibku bogsan la’dahay taas oo ka dhigan in hadda qaliinkii saddexaad uu geli karo.

Warkaas ayaa ugu horreynba toddobaadkii hore lagu qoray wargeyska Diario AS kaas oo lagu sheegay in qaliinkii saddexaad uu mari karo Fati isla markaana ay halisi kasoo cusboonaatay dhaawaciisa jilibka.

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in diktoorka caanka ah ee Ramon Cugat oo dhammaan xiddigaha waaweyn ee dunidu ugu tagaan Barcelona si uu qaliimada halista ah ugu sameeyo horena loogu naanaysay Lionel Messi-ga dhakhaatiirtu uu la yaaban yahay sida uu u bogsan la’yahay dhaawaca Fati.

Hadda aabaha Ansu oo lagu magacaabo Bori Fati ayaa doonaya in markale qolada caafimaadku soo faro-geliso xaalada wiilkiisa oo ay dhaq-dhaqaaq kale sameeyaan.

Fati ayaa bilawgii xilli ciyaareedkan ahaa mid ay aad ugu tiirsan tahay Barcelona isaga oo shan gool ugu soo dhaliyay 10 kulan oo uu u ciyaaray.

Dhaawaca noocan ah ayaa saamayn baahsan ku yeelan kara mustaqbalka wiil 18 sano jir u ah sida Ansumane Fati kaas oo loo arkayay hoggaanka sanadaha soo socda ee kooxdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here