Iiraan iyo Shiinaha oo Heshiis Rubuc Qarni ah Kala Saxiixday.

0
172

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirrada arrimaha dibadda Shiinaha iyo Iran ayaa maanta oo Sabti ah kala saxiixday heshiis iskaashi oo 25 sana soconaya.

“Xiriirka ka dhaxeeyey labada dal wuxuu iisu beddelay heer iskashi istiraatiijiyad ku dhisan, Shiinahana wuxuu doonayaa inuu sii xoojiyo xiriirka uu la leeyahay dalka Iran,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi oo ay soo xigatay warbaahinta Iran inuu dhiggiisa Maxamed Javad Zariif uu sidaa ku yiri.

“Xiriirka aan la leennahay Iran ma saameynayo arrimaha wakhti xaadirkan taagan, balse waa mid joogta ah oo istiraatiijiyad ku qotomo”, ayuu yiri Wang oo ka hadlay munaasabadda lagu saxiixayey heshiiska iskaashu ee labada dal.

“Iraan iyada oo xor ah ayey go’aan uga gaareysaa xiriirka ay waddan kale la yeelaneyso, Iran ma aha sida dalalka qaar in mowqifkeeda hal wicitaan oo takeefan ah looga beddelo” ayuu yiri.

Wang ayaa heshiiska ka hor kulan magaalada Tehran kula yeeshay madaxweynaha Iran Xasan Rouhani, heshiiskaasi oo la filayo iney ku jiraan maalgashiga shiinaha ee qaybaha muhiimka ah sida tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Rouhani wuxuu bogaadiyey taageerada ay Beijing ka muujisay heshiiski nukliyeerka ee 2015-tii ee ay la gashay quwadaha waaweyn ee dunida, iyo baaqa ay caalamka u dirtay in tallaalka ka hortagga fayraska korona la gaarsiiyo Iran maadaamaa uu yahay waddanka keli ah ee bariga dhexe ku yaalla uu sida aadka ah u saameeyey cudurka safmarka.

“Iskaashiga labada dal ayaa muhiimad weyn u leh hirgelinta heshiiska Niyuukilarka iyo fulinta waajibaadka saaran dalalka yurub”, ayuu ku yiri Rouhani qoraal boggiisa rasmiha ah la soo dhigay.

“Marka laga hadlayo tallaalka coronavirus, waxaa lagama maarmaan ah in la kordhiyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, waxaanna dooneynaa inaan tallaal dheeri ah laga keeno Shiinaha.”

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa isku dayay inuu dib u soo nooleeyo wadahadaladii Iran ee ku saabsanaa heshiiskii nukliyeerka ee uu ka tagay madaxweynihii hore Donald Trump sanadkii 2018, in kastoo talaabooyin dhaqaale oo adag ay weli taagan yihiin oo Tehran ay rabto in meesha laga saaro ka hor intaan wadahadalada dib loo bilaabin.

Maamulka cusub, Mareykanku waxay rabaan inay dib uga fiirsadaan siyaasaddooda oo ay dib ugu noqdaan heshiiskii nukliyeerka, Shiinuhuna wuxuu soo dhaweynayaa tallaabadooda, “ayuu yiri Wang “Waxaan siin doonaa Iran talaalada coronavirus badan Iranna waa mudnaanta aan siinayno talaalada.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here