Dadaallo Markabka Ever Given Looga Weecinayo Marinka Suwees oo Billowday.

0
275

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxaa socda dadaallada lagu soo saarayo markabka Ever Given, oo qaada xamuulka dhererkiisuna yahay 400m (1,300ft) kaas oo tan iyo Talaadadii xannibay Marinka Suez ee dalka Masar.

Injineerrada ayaa ciidda iyo dhooqada ka saarayay markabka, halka kuwo kalena ay isku dayayeen inay meesha ka weeciyaan markabkan.

Shalay, milkiilaha Ever Given oo u dhashay dalka Japan, Shoei Kinsen, ayaa raalligelin ka bixiyay saameynta dhacdadaas ay ku yeelatay marinka oo ciriiri uu ka jiro.

Wuxuu sheegay in iyada oo lala kaashanayo maamulka gudaha ay socdaan dadaallo lagu xallinayo dhibaatada, balse wuxuu ka digay inay aad u adag tahay.

Xukuumadda Masar ayaa dib u hawgelisay marin qadiimi ah oo ku yaal Suez si ah u kala yareyso saxmadda maraakiibta.

Shilkan ka dhacay Suez-ka ayaa saameeyn muuqata ku yeeshay suuqyada shidaalka caalamka oo durbadiiba sare u kacay boqolkiiba 6.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in maraakiib ka badan 30 ay u xanniban yihiin markabka jaray marinka Suez.

Sideed doonyood oo ah nooca jiida maraakiibta ayaa ku hawlan sidii ay Ever Given uga dhaqaajin lahaayeen halka uu ku xanibmay.

Khubarada ayaa ka digaya in hawshaas ay qaadan karto dhowr maalmood.

Ku dhawaad boqolkiiba 12 badeecadaha ganacsiga caalamka ayaa mara marinka Suez, oo isku xidha Mediterranean-ka iyo Badda Cas, ahna halka ugu dhaw ee ay uga kala gooshi karaan maraakiibta u kala socota Aasiya iyo Yurub.

Dr Sal Mercogliano, oo ah taariikhyahan ku xeel dheer arimaha baddaha ayaa sheegay in dhacdooyinka noocan ah ay nadir yihiin, balse saameyn xooggan ku yeelan karaan ganacsiga adduunka.

Ku dhawaad 19,000 oo markab ayaa sanadkii 2020 ka gudbay qoorriga Suez, taasoo ka dhigan in celcelis ahaan maalintii ay maraan 51 markab.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here