Xiddig Weyn oo Ku Dhex Suuxay Tababarka Atletico Madrid & Walwal Soo Wajahay Kooxda.

0
218

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weeraryahan Moussa Dembele ayaa xaaladiisa si dhow loo eegayaa ka dib markii uu ku dhex suuxay tababarka Atletico Madrid maanta.

Xiddiga Faransiiska oo amaah ku jooga Atletico Madrid isagoo ka soo tagay Lyon ayaa suuxay xilli uu jimicsi ku sameynayay garoonka tababarka.

Daqiiqado uu suuxsanaa ka dib ayuu si iskiis ah u soo kacay isagoo awood u yeeshay inuu istaago.

Xaalada weeraryahanka ayaa haatan si dhow loola socdaa.

Waxaa baaritaano ku sameynayaa dhakhaatiirta Atletico Madrid si loo ogaado waxa sababaya inuu garoonka ku dhex suuxo. Waxay arintaan walwal ku tahay tababare Diego Simeone.

Kooxda Atletico Madrid ayaa hogaamineysa horyaalka la Liga iyagoo afar dhibcood ka sareeya Barcelona halka ay lix dhibcood ka sareeyaan Real Madrid.

Laakiin xiddiga Faransiiska Dembele ayaan weli hal kulan xitaa ku soo bilaabanin tan iyo markii uu amaah uga soo wareegay kooxda Faransiiska bishii Janaayo, welina gool ma uusan dhalinin.

Tababare Simeone ayaa dhawaan sheegay inuu weli sugayo inuu arko wixii uu ka filayay ciyaaryahanka, waxaana haatan u sii dheer xaalad caafimaad oo la soo deristay.

Kooxda reer Scotland ee Celtic ayaa rajeyneysa inuu qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ku soo laabto madaama ay boqolkiiba 10 ka heli doonaan haddii Atletico Madrid ay si joogta ah ciyaaryahanka ugala wareegto kooxda Lyon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here