UEFA oo Baahisay Muuqaal Hadal Heyn Badan ka Dhaliyay Baraha Bulshada.

0
178

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wareegii 16-ka ee UEFA Champions League ayaa noqday mid soo saaray dhacdo layaab noqotay oo ahayd in kooxda Juventus ay tartanka uga hadhay gacmaha Juventus, kooxda ree Portugal oo aan qaab fiican ku jirin kulamada horyaalka ayaa awooday inay meel saarto Juve.

Natiijadaas ayaa sababtay in Cristiano Ronaldo uu wareega markale kaga hadho wareegaas waana wax uusan u baran xiddigii hore ee Juventus.

Kulankaas ayaa sida lagu ogaaday muuqaal hadda la helay muran ka dhex dhaliyay Cristiano iyo saaxiibkiisa mudada dheer ee xulka Portugal ee Kepler Pepe.

“Ciyaar! aniga ayaa guuleysanaya” ayuu Cristiano Ronaldo cod dheer ku yidhi saaxiibkiisa Portugal muuqaal lagu duubay gadaasha goolka goolhaye Agustin Marchesin oo lagu baahiyay Instagram-ka UEFA.

“Aniga ayaa guuleysanaya adiga oo garoonka ku jira” ayuu markale weeraryahanka Juve oo caan ku ah baahidiisa waalida ah ee uu guusha markasta u qabo ku yidhi Pepe.

Muuqaalka ayuu UEFA soo raaciyay qoraal ah “Criistiano Ronaldo markasta waxa uu doonayaa inuu naftiisa ku tijaabiyo kuwa ugu fiican”

Markan waxa ay kusoo dhammaatay in Ronaldo uu awoodi waayay inuu fuliyo balantii uu u qaaday Pepe iyadoo kooxda ree Portugal ay wareega siddeed dhammaadka ugu gudubtay 10 xiddig oo ay badi ciyaarta ku ciyaaraysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here