Youri Tielemans Oo Sharraxay SIRTII Ka Caawisay In Manchester United Ay Ku Garaacaan FA Cup.

0
177

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga khadka dhexe ee Youri Tielemans ayaa sharraxaad ka bixiyey sirtii kooxdiisa Leicester City ka caawisay in tartanka FA Cup ay ka cidhib-tiraan Manchester United oo wareeggii siddeedda ay si xun ugu karbaasheen Axaddii.

United ayaa si daansho-daanshood ah kusoo gaadhay wareegga siddeedda ee FA Cup, laakiin Leicester City oo ay isku beegmeen ayaa si xun u jiid-jiidday, isla markaana ku garaacday 3-1.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa kulankan isbeddel badan ku sameeyey shaxdii uu kula ciyaaray AC Milan ee Khamiistii guusha kala soo laabatay San Siro, waxaanu keenay ciyaartooyo aan kulankaas kusoo bilaabanin si uu u firfircoonaysiiyo naadiga.

Laakiin sidaas oo ay tahay waxay ku guul-darraysteen in ay la yimaaddaan ciyaar iska caabbiyi karta dardarta ay ku socotay Youri Tielemans iyadoo Fred iyo Maguire ay ahaayeen kuwa fartu ku godnayd ee ay inta ugu badan dhibaatadu ka imanaysay.

Youri Tielemans oo Leicester City u dhaliyey goolka labaad oo uu lasoo dhex qaaday difaaca ka hor intii aanu laad awood badan dhaafinin goolhayaha ayaa sharraxay sirtii ay guusha ku heshay kooxdiisu.

Laacibkan ayaa sheegay in kooxdiisu ay soo nasatay oo ay ka firfircoonayd Manchester United, taasina siisay tamar dheeraad ah iyo in ay gacanta sare ku yeelato ciyaarta.

Youri Tielemans oo arrintan sharraxaya ayaa yidhi: “Waxaanu ogayn in ay Khamiistii ka yimaaddaan ciyaartii Europa League oo ay degdeg ku ahayd in ay kasoo kabtaan. Waxay dheeleen kulamo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here