Carruur Isku Qoys ahaa oo ku Geeriyooday Is Buurasho ka Dhacday Tanzaniya.

0
216

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Haweeney iyo afar carruur ah ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday dalka Tanzania xilli baroor-diiq loo sameynayay madaxweynihii geeriyooday John Magufuli, sida ay booliska dalkaas u sheegeen BBC.

Wararka qaar ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay gaari karto illaa 40 qof, balse booliski ma uusan xaqiijin arinkaas.

Tobanaan kun oo qof ayaa isugu tegay garoon kubadda cagta lagu dheelo oo ku yaal magaalada Daari Salaam, si ay usoo eegaan meydka madaxweynaha hore.

Magufuli ayaa shacbiyad badan ku dhex lahaa dalka Tanzania, waxaa lagu xusuustaa xukunkiisii aan gabashada lahayn.

Dadka dhaliilsan ayaa se ku eedeyn jiray inuu ahaa keli-taliye aan u nixin dadka ka fekerka duwan.

Waxa uu si weyn u naqdiyay jiritaanka Fayraska Korona iyo saameynta uu ku yeeshay Tanzania. Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in Magufuli uu u geeriyooday Covid-19 walow aan la xaqiijin sheegashadaas.

Xaaska Dennis Mtuwa, laba carruur ah oo uu dhalay, wiil iyo gabar uu adeer u ahaa ayaa la xaqiijiyay in dhammaantood ay ku dhinteen isbuurashada Axadii ka dhacday Daari Salaam.

“24-kii saac ee la soo dhaafay waxaan ku sugnaa xaalad adag. Xoogaa nasri ah ayaan dareemaa marka ay dadka ila joogaan, balse marka aan keli ahay, waxaan isoo wajaha murugo ballaaran,” ayuu Mtuwa u sheegay BBC.

Taliyaha booliska ee magaaladaas, Lazaro Mambosasa, ayaa sheegay in Talaadada uu faahfaahin ka bixin doono khasaaraha ka dhashay isbuurashada.

Kumannaan ah shacabka Tanzania ayaa ka qeybgalay baroor-diiq qaran oo Magufuli loogu sameeyay caasimadda Dodoma. Waxaa sidoo kale munaasabada ka qeybgalay madax Afrikaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here