Wararkii u Dambeeyay ee Horyaalka Serie A da Dalka Talyaaniga?

0
201

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Horyaalka Serie A ayaa xiiso gaar ah yeeshay iyadoo ay ceel ka dhacday rajadii ay Juventus ka laheyd inay ku guueysato horyaalkii 10aad ee isku xigta ka dib markii ay maanta guuldarro 1-0 ka soo gaartay kooxda Benevento ee ku jirta kaalinta 16aad ee kala sareynta horyaalka.

Tababare Andrea Pirlo iyo Cristiano Ronaldo ayaa maanta niyadjab lagu diray ka dib gool uu daqiiqadii 69aad u dhaliyay kooxda kaalinta hoose ciyaaryahan Adolfo Gaich.

Juventus waxay ku jirtaa kaalinta seddexaad iyagoo leh 55 dhibcood waxay 10 dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Inter Milan iyadoo labada kooxood ay min 27 kulan ciyaareen.

AC Milan ayaa xajisatay kaalinta labaad iyagoo weli tartan ugu jirta hanashada horyaalka waxay lix dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Inter Milan oo kulan uu u harsan yahay ka dib markii ay maanta 3-2 uga badiyeen kooxda Fiorentina kulan xamaasad lahaa.

Zlatan Ibrahimovic ayaa hogaanka u dhiibay AC Milan laakiin waxaa kooxda Viola u barbareeyay isla qeybtii hore Erick Pulgar. Bilowgii qeybta labaad Fiorentina waxaa hogaanka u dhiibay Franck Ribery.

Laakiin AC Milan ayaa ciyaarta ku soo laabatay iyadoo uu u barbareeyay Brahim Diaz ka hor inta uusan goolka guusha u saxiixin Hakan Calhanoglu.

Atalanta ayaa kaalinta afaraad ku jirta waxay 55 dhibcood la wadagaan Juventus oo kulan uu u harsan yahay ka dib markii ay maanta 2-0 kaga badiyeen kooxda Hellas Verona.

Napoli ayaa caawa iska reebtay AS Roma oo ay 2-0 ku xaaqeen kulan xiiso badnaa oo ka dhacay caasimada Talyaaniga. Labada gool oo ay dhalisay Napoli waxaa u saxiixay Dries Mertens oo kor u dhaafay haatan goolashihii 100aad ee horyaalka Serie A.

Napoli waxay ku jirtaa kaalinta 5aad iyagoo leh 53 dhibcood waxay seddex dhibcood ka sareeyaan kooxda AS Roma oo ku jirta kaalinta lixaad. Lazio ayaa 7aad ku jirta iyagoo leh 49 dhibcood waxay maanta 1-0 kaga soo badiyeen kooxda Udinese.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here