Kalkaaliso Walaasheed ka Dalbatay in ay Qaado Waddadii ay Iyada Ku Geeriyootay.

0
247

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kalkaaliso caafimaad oo lagu magacaabo Areema Nasreen ayaa waxay ka mid ahayd shaqaalaha ugu da’da yaraa ee NHS ee u dhintay coronavirus.

Ku dhowaad hal sano ayaa ka soo wareegatay geerida Areema, balse walaasheed ayaa ka hadlaysa sida ereyadii Areema ee ugu dambeeyay ay u beddeleen nolosheeda.

Markii ugu dambeysay ee Kazeema Afzal ay aragto walaasheed oo nool, waxaa loo diyaarinayay in loo gudbiyo qeybta la dhigo bukaannada qalabka neefsashada caawiyo lagu xidho ee isbitaalka.

Waxay iyada oo la xanuunsan Covid-19 ku jirtay isbitaalkii ay iyada iyo walaasheed kasoo shaqeynayeen ilaa markii ay dhowr iyo toban jir ahaayeen.

“Waxay ii haatisay gacanta, waxayna igu tiri waan ku jeclahay,”

Balse Areema oo 36 jir ahayd waxay rabtay in fariintii ugu dambaysay ay u dirto walaasheed, iyada oo u sheegtay dhakhaatiirtii qolka kula sugnayd.

“Waxay tiri, “walaashay…. waxaad isku daydaa inaad dadaashid. Waxaan rabaa inaad raadkayga raacdo,”

Kazeema waxay sheegtay in “erayadaas ayey ahaayeen kuwii ugu dambeeyey ee ay walaasheed tiraahdo.”

Labaduba waxay ahaayeen kuwo aan kala maarmin, waxayna ku soo koreen deegaanka Walsall, oo ka tirsan West Midlands, halkaas oo ay halkaas ku wehlisay walaashood ka yar Ash.

Areema waxay saddex sano oo kaliya ka weyneyd Kazeema, laakiin “waxay noo ahayd sida hooyo oo kale,” ayay tiri.

“Hooyaday way ogayd inay aadi karto wadan kale, sidaas darteed Areema ayaa booskeeda noo buuxin jirtay.”

Noloshoodu waxay u egtahay midba midka kale. Markii Areema iyo Kazeema ay weli dhallinyarada ahaayeen, waxay u safreen Baakistaan ​​halkaas oo qoysaskoodu ugu qorsheeyeen guur.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here