Man City oo u Soo Baxday Sama-finalka Kadib Markii Ay Garaacday Everton.

0
219

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester City ayaa u soo baxday semi-finalka FA Cup ka dib markii ay 2-0 ku garaaceen kooxda Everton oo marti loogu ahaa garoonka Goodison Park.

Labo gool oo ay kala dhaliyeen Ilkay Gundogan iyo Kevin de Bruyne dhamaadkii ciyaarta ayay Manchester City ku garaacday Everton iyadoo iska xaadirisay semi-finalka, waana markii seddexaad oo isku xigta ee ay u soo gudbaan wareega afar dhamaadka koobka ugu faca weyn kubada cagta.

Man City ayaa afar koob u tartameysa iyadoo hogaanka u heysa horyaalka Premier League, waxay final ka joogaan Carabao Cup oo ay bisha danbe la ciyaarayaan Tottenham, waxay u soo baxeen caawa semi-finalka FA Cup halka ay wareega sideeda Champions League la ciyaari doonaan Borussia Dortmund.

Qeybtii hore ee ciyaarta Man City ayaa ku rafaaday inay xal u hesho daafaca adag ee ay xiratay kooxda Everton iyagoo xitaa tijaabin waayay goolhaya Joao Virginia, halka goolhayaha City Steffen lagu qasbay inuu mashquul noqdo mararka ay Everton weerar rogaalcelis ah qaadeysay.

Inkastoo City ay kubada heysatay in ka badan boqolkiiba 70 hadana waa ay awoodi waayeen qeybtii hore ee ciyaarta inay heleen fursado badan, iyadoo lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Daqiiqadii 59aad ee qeybtii labaad ee ciyaarta Man City ayaa ku dhawaatay inay hogaanka u qabato ciyaarta laakiin kubadii ka soo baxday Sterling ee shabaqa ku socotay waxaa faraha cidooda ku bixiyay goolhayaha Everton.

Wixii ciyaarta la ismari waayaba, Manchester City ayaa ugu danbeyn hogaanka u qabatay daqiiqadii 84aad ee ciyaarta markii kubad ka baxday cagta Laporte ay ku dhacday birta, kubadii soo laabatay ayaa waxaa madax ku dhaliyay Gundogan.

Ilkay Gundogan ayaa dhaliyay 12 gool sannadkan 2021 waana goolasha ugu badan ee uu dhaliyay ciyaaryahan Premier League ah.

Man City ayaa guusha xaqiijisatay markii uu shabaqa u soo taabtay xiddigii kursiga keydka ka soo Kevin de Bruyne daqiiqadii 90aad ee ciyaarta isagoo caawin ka helay Rodri oo isna markaas bedel ku yimid.

Waxay ciyaarta ku dhamaatay 2-0 oo ay Manchester City ku garaacday Everton uguna soo gudubtay semi-finalka FA Cup, waxay kula biirayaa kooxda Southampton oo maanta mar sii horeysay 3-0 ku garaacday Bournemouth.

Waxaa harsan labo kulan kale oo wareega sideeda FA Cup ah iyadoo berri ay Chelsea la dheeli doono Sheffield United halka Man United ay isku dhegan yihiin Leicester City

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here