Kulanka West Ham vs Arsenal – Gunners Iyo Hammers Oo Tartanka Afarta Sarre U Kala Baxaya, Shaxda Macquulka Ah & Xogta Kulanka.

0
179

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – West Ham United ayaa soo dhawaynaysa dhigeeda Arsenal iyagoo isha ku haya guul ay kusoo xoojiyaan tartanka ay ugu jiraan ku dhammaysiga afarta kaalmood ee sarre xilli ciyaareedkan kulan London Derby ah oo muhiim ah kana qabsoomaya London Stadium.

Hammers ayaa hadda booska shanaad ka jooga miiska kala sarreynta horyaalka waana kaalin aad Arsenal u qiyaasan karaysay bilawgii xilli ciyaareedka halka Gunners ay fadhiyaan kaalinta 10-aad oo aad bilawgii horyaalka u sawiran karaysay West Ham.

Cedric Soares, Partey iyo Odegaard ayaa dhammaantood la filayaa inay shaxda Arteta kusoo laabtaan iyadoo Bellerin, Ceballos iyo Elneny ay meesha ka baxayaan.

SHAXDA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD

West Ham United: Fabianski; Coufal, Dawson, Diop, Cresswell; Rice, Soucek; Bowen, Lanzini, Lingard; Antonio

Arsenal: Leno; Cedric, Luiz, Gabriel, Tierney; Xhaka, Partey; Pepe, Odegaard, Smith Rowe; Lacazette

XOGTA KULANKA

Tartanka: Premier League

Garoonka: London Stadium

Wakhtiga: 6:00 fiidnimo xilliga geeska Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here