Xiddiga Uu Thomas Tuchel U Adeegsanayo Heshiiska Uu Erling Haaland Ku Keenayo Chelsea.

0
241

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weeraryahanka kooxda Chelsea ee Timo Werner ayaa la xusayaa inuu qorshaystay inuu diido heshiiska ay kooxdaasi u isticmaali karto ee ah inay Borussia Dortmund kaga soo bedelato Erling Braut Haaland oo ay si weyn u doonayso.

Warar hore usoo baxay ayaa sheegayay in weeraryahanka qaabka gaabiska ah ku bilawday noloshiisa Chelsea uu qayb ka noqon karo heshiis weyn oo ay Blues kusoo qaadanayaan Haaland.

Chelsea ayaa dhawaan ku biirtay safka dheer ee kooxaha doonaya saxeexa 20 sano jirkaas iyadoo kooxaha kale ee doonaya laga xusi karo Manchester United iyo City.

Laakiin wargeyska ree Germany ee Bild ayaa shaaca ka qaaday in Werner uusan wax xiiso ah u qabin heshiis kasta oo uu ugu laabanayo horyaalka Bundesliga iyo Dortmund.

25 sano jirkaas ayaa ku dhibtooday Chelsea tan iyo markii uu heshiiska 53-ka Milyan ee pound ah ugu biiray Chelsea, arrinta kale ee yaabka leh ayaa ah inuu xiddiga German-ka ahi kaliya hal gool oo Premier League ah soo dhaliyay ku dhawaad shantii bilood ee ugu dambeeyay.

Dhinaca kale heshiiska Haaland ee Dortmund ayaa ah mid kaliya 66 Milyan oo Pound lagu jabin karo balse qoddobkaas ayaa dhaqan galaya sanadka dambe ee 2022, Dortmund ayaa u furan inay lacag intaas ka badan ku iibiso suuqa soo socda.

Mulkiilaha Chelsea ee Roman Abramovic ayaa la sheegay inuu isagu yahay shaqsi si gaar ah xil iskaga saari doona saxeexa Haaland, sidoo kale Bilyaneerka ree Russia ayaa iska ilaaway cadhadii uu u qabay wakiilka Haaland ee Mino Raiola oo ay afar sano kahor isku dhaceen.

Raiola ayaa Man United u fududeeyay wakhtigaas heshiiskii Romelu Lukaku oo ay Chelsea si weyn u doonaysay saxeexiisa waana halkii uu ka bilaabmay xidhiidhka adag ee Raiola iyo Roman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here