Waddamada Qaniga ah oo lagu Eedeeyay Is Hortaagga in Tallaalka Covid-19 la Gaarsiiyo Dalalka Saboolka ah.

0
198

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wadamada qaniga ah oo uu ka mid yahay dalka UK ayaa hortaagan hindisaha lagu caawinayo dalalka soo koraya si loo kordhiyo awoodda wax so saarka tallaaka Covid-19, sida ku cad dikumiinta loo soo dusuyay BBC.

Dhowr dal oo ah kuwa saboolka ayaa ka codsaday hay’adda caafimaadka aduunka inay gacan siiso.

Balse dallaka hormaray ayaa hortaagan qodobo ka mid ah shuruucda caalamiga ah oo suuragal ka dhigi lahaa in tallaal badan la gaarsiiyo dalalka saboolka.

Macluumaadkan ayaa ah qeyb ka mid ah wadaxaajoodyada hay’adda WHO kaasi oo nuqul ka mid ah BBC loo so dusiyay.

Dalalka qaniga ah ee hortaagan arrintan ayaa waxaa ka mid UK, Mareykanka iyo midowga Yurub.

“Muhiimada waa helidda luuqad aan isku fahmi karno taasi oo sahleysa in dalalka ay soo saaraan tallaal badan oo laga soo saaro gudaha dalkooda iyo helidda mashruc lagu maalgalinayo laguna sahlayo.

Afhayeen u hadlay dowladda Britain ayaa yiri “cudurada safmarka ah ayaa waxay u baahan yahihiin xal caalami ah islamarkana UK waxay hormuud ka tahay dadaalada lagu xaqiijinayo in si siman caalamku u wadaago tallaalka feyriska Corona “.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in dalka UK uu ka mid yahay dalalka bixiya deeqaha ugu badan ee lagu xaqiijinayo in 1 bilyan oo kuuro la gaarsiiyo dalalka soo koraya sanadkan.

Khubaro badan ayaa rumeysan in si siman loo helo tallaalka feyriska Corona ay muhiim u tahay ka hortagidda kiisaska badan iyo dhimashada cudurka ka dhalata.

Tallaalka ugu badan ayaa waxaa imika qaata dadka dalalka hormaray taasi oo ay walaac ka muujisay hay’adda caafimaadka aduunka.

Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa waxay dalalka soo saaray tallalka looga hortago feyriska Corona ay ku cadaadinaysaa in tallaalka si siman loo qeybsado islamarkana la gaarsiiyo dalalka saboolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here