Chelsea iyo Bayern Munich oo Dhameystiray Kooxaha u Soo Baxay Wareega 8-da ee Champions League.

0
156

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxaha Chelsea iyo Bayern Munich ayaa dhameystiray kooxaha u soo baxay wareega sideed dhamaadka Champions League ka dib markii ay ka soo gudbeen kooxaha Atletico Madrid iyo Lazio.

Chelsea ayaa gurigeeda ku martiqaaday Atletico Madrid iyagoo lugtii hore ay 1-0 ku soo badiyeen, waxayna kulankii caawa ay ku badiyeen 2-0 taasoo ka dhigeysa inay ku soo baxeen wadar guul oo ah 2-0 iyadoo tababare Thomas Tuchel uu rikoodh cusub u dhigay Chelsea. Halka Atletico ay ciyaarta ku dhameysatay 10 ciyaaryahan iyadoo dhamaadkii uu casaan toos ah ka qaatay Stefan Savic.

Blues ayaa ciyaar indho qabad leh oo aad fiican soo bandhigtay iyadoo Kante uu u diiday Atletico Madrid inay kubada isku toosiso. Blues ayaa ciyaarta hogaanka u qabatay qeybtii hore ee ciyaarta.

Kubad rogaalcelis deg deg ah oo ay qaadeen ayaa keentay in kubad dheer loo qaado Timo Werner kaasoo kubada la galay xerada ganaaxa isagoo si deeqsinimo ah kubada ugu dhigay Hakim Ziyech kaasoo shabaqa ku hubsaday.

Jan Oblak ayaa isna sidoo kale fursad kale oo kubad rogaal celis aheyd ka badbaadiyay Timo Werner oo si fiican u dheelay kulankii caawa. Halka Mendy uu isna dhowr fursadood ka beeniyay Atletico qeybtii labaad ee ciyaarta gaar ahaan Joao Felix oo dhowr jeer u dhawaaday inuu gool dhaliyo.

Daqiiqadii 81aad Atletico Madrid waxaa casaan toos ah ka qaatay Stefan Savic kaasoo xusul si u la kac ah xabad ka geliyay daafaca Chelsea Antonio Rudiger xilli kubad koorno ah la soo tuurayay.

Chelsea ayaa ciyaarta hurdo u dirtay daqiiqadii 3aad ee shan daqiiqo oo lagu daray ciyaarta markii Emerson oo waqtigaas bedel ku soo galay uu taabashadiisii ugu horeysay shabaqa ku soo taabtay ka dib kubad uu ka helay Christian Pulisic.

Goolashaas ay dhaliyeen Hakim Ziyech & Emerson  ayaa ugu filnaaday Chelsea inay minan iyo martiba garaacdo Atletico Madrid una soo gudubto wareega sideed dhamaadka Champions League.

RIKOODH: Tababare Thomas Tuchel ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay abid ee aan laga badinin 13kii kulan ee ugu horeysay ee uu hogaamiyo kooxda. Ma Jiro tababar soo maray Blues oo aan laga badinin 13kiisii kulan ee ugu horeysay.

Dhanka kale kooxda difaacaneysa koobka Champions League ee Bayern Munich ayaa iyadana si raaxo leh ugu soo baxday wareega sideeda iyagoo caawa 2-1 ku garaacay Lazio taasoo ka dhigeysa inay wadar ahaan labadii lug ee wareega 16ka ay ku badiyeen 6-2.

Robert Lewandowski ayaa hogaanka ugu dhiibay gool rigoore ahaa ka hor inta uusan u labeynin Choupo-Moting laakiin Lazio waxaa gool sabarsiin ah u soo celiyay dhamaadkii ciyaarta Marco Parolo.

Awooda ay Bayern Munich soo bandhigeyso ayaa ah mid looga baqayo inay si guul ah u difaacato koobka xilli ciyaareedkan.

Kooxaha u soo baxay wareega sideed dhamaadka Champions League:

Bayern Munich

Chelsea

Real Madrid

Man City

Liverpoo

Paris Saint-Germain

Borussia Dortmund

FC Porto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here