WHO oo War Ka soo Saartay Muranka ka Taagan Tallaalka Covid-19.

0
202

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxa talaalka ee Hay’ada Caafimaadka Aduunka ee WHO,u qaabilsan Afrika ayaa sheegay inuusan doonaynin in dalalka Afrika ay ka aamin baxaan amba ay lumiyaan kalsoonida lagu qabi karo tallaalka AstraZeneca.

Dr Richard Mihigo oo la hadlayey BBC-da ayaa sheegay in hakinta tallaalka ee ay sameeyeen dalalka Yurub ay abuureyso walaac ku saabsan badeecad illaa iyo hadda la caddeeyey inay sugantahay iyado Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa dib u dhigtay bilowga barnaamijkeeda tallaalka sababo la xiriira cabsi laga qabo xinjirowga dhiigga.

Dowladaha Afrika waxay ku tiirsan yihiin tallaalka AstraZeneca, maadaama uu raqiisan yahay kana fudud yahay dhanka keydinta tallaallada kale.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka la gaarsiiyay tallaalka AstraZeneca oo looga hortago fayraska karona ee dhibaatada badan dunida ku haya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here