Real Madrid iyo Man City oo Xalay u Soo Gudbay Wareega 8-da ee Champions League.

0
223

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid iyo Manchester City ayaa ku biiray caawa kooxaha xaqiijistay u soo bixitaanka wareega sideed dhamaadka Champions League ka dib markii ay ka soo kala talaabsadeen kooxaha Atalanta iyo Borussia Monchengaladbach.

Kooxda ugu koobabka badan Champions League ayaa caawa martigelisay Atalanta lugta labaad ee wareega 16ka iyagoo lugtii hore oo Talyaaniga ka dhacay ay 1-0 ku soo badiyeen.

Kulankii caawa Los Blancos ayaa sidoo kale gaartay guul weyn iyagoo 3-1 ku xaaqay kooxda Talyaaniga taasoo ka dhigeysa inay wadar ahaan natiijo 4-0 ugu soo baxeen wareega sideed dhamaadka.

Benzema ayaa hogaanka u dhiibay Real Madrid qeybtii hore ee ciyaarta ka dib hadiyad qaali ah uu ka helay goolhayaha Atalanta, iyadoo xididga Faransiiska uu tiro labo jeer ah birta garaacay intii ay ciyaarta socotay.

Kabtan Sergio Ramos ayaa guusha xaqiijiyay qeybtii labaad ee ciyaarta markii uu dhaliyay rigoore loo dhigay Los Blancos isagoo ciyaarta ka dhigay 2-0.

Atalanta waxaa gool u soo celiyay Muriel daqiiqadii 83aad ee ciyaarta, laakiin Los Blancos ayaa soo ceshatay farqigeeda labada gool iyadoo Marco Asensio uu u saxiixay goolkii seddexaad ee ciyaarta taasoo rajo dishay Atalanta.

Los Blancos ayaa guul wadareed 4-1 uga badisay Atalanta iyagoo u soo gudbay wareega 8da, waxaa iyagana sidoo kale soo gudbay caawa Manchester City oo 2-0 ku dardartay kooxda Borussia Monchengladbach oo marti u aheyd.

City oo kulankii lugta hore ku soo badisay 2-0 ayaa wadar ahaan ku soo baxday guul 4-0 ah.

Kevin de Bruyne ayaa hogaanka ugu dhiibay gool u tartamaya goolka xilli ciyaareedka isagoo gantaal aan la qaban karin shabaqa cusjiyay, waxaa City guusha u sii xaqiijiyay xiddigooda ugu goolasha badan xilli ciyaareedkan Ilkay Gundogan oo dhaliyay goolka labaad.

Real Madrid iyo Man City waxay ku biirayaa kooxaha Liverpool, PSG, Borussia Dortmund iyo  FC Porto oo iyaguna isbuucii hore u soo baxay wareega 8da Champions League.

Habeen danbe waxaa la soo gabagabeynayaa wareega 16ka iyadoo kooxda difaacaneysa koobka ee Bayern Munich ay martigelin doonto Lazio iyadoo lugtii hore ay Bayern mu soo badisay 4-1.

Chelsea ayaa iyadana martiqaadeysa Atletico Madrid oo ay lugtii hore 1-0 kaga soo badisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here