Kulanka Chelsea vs Atletico Madrid – Blues Iyo Rojiblancos Oo Kala Calaf-Qaadaya iyo Xiddigaha Maqan.

0
187

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Premier League ee Chelsea ayaa soo dhawaynaysa dhigeeda Atletico Madrid ee hoggaanka u haysa horyaalka La Liga kulanka lugta labaad ee wareega 16-ka UEFA Champions League oo ka qabsoomaya gegida Stamford Bridge.

Kulankan ayaa bilaabmaya iyadoo ay Chelsea haysato faa’idada iyo gacanta sarre maadaama oo ay lugtii hore kusoo guuleysteen 1-0 iyagoo goolka ay kusoo adkaadeen ka helay weeraryahan Olivier Giroud.

Labada kooxood ayaa kulankan gelaya iyagoo labaduba bar-bardhac goolal la’aan ah soo galay kulamada horyaaladooda toddobaadkan, Blues ayay 0-0 isku dhaafi waayeen Leeds halka ay Rojiblancos 0-0 ku kala baxeen Getafe.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KULANKA KAHOR

Xiddigaha khadka dhexe ee Chelsea ee Mason Mount iyo Jorginho ayaa labaduba kaadhadh huruud ah qaatay kulankii ugu dambeeyay waxaana ay ganaaxyo ku seegayaan ciyaartan, Mateo Kovacic ayaa khadka dhexe kula midoobi doona N’golo Kante.

Kovacic qudhiisa ayaa ah mid hal kaadh u jira inuu kulanka koowaad ee wareega sideed dhammaadka seego haddii ay caawa soo baxaan isla markaana, sidoo kale Hakim Ziyech ayaa isaguna haddii uu jaale kale qaato ciyaarta wareega dambe seegi doona.

Tammy Abraham ayaa dhaawac ku maqan kulankan, sidoo kale Thiago Silva ayaan kasoo muuqan doonin xulashada Thomas Tuchel oo la filayo inuu markale ku ciyaari doono saddexleyda daafac dhexe ee Cesar Azpilicueta, Rudiger iyo Christensen.

Warka u fiican Atletico Madrid ayaa ah inuusan jirin hal ciyaaryahan oo ganaax ama dhaawac kaga maqan kulankan balse waxa uu shaki yari ku jiraa taam ahaanshaha goolhaye Jan Oblak.

Renan Lodi iyo Hermoso ayaa la filayaa inay booska daafaca bidix ku loolami doonaan, Yannick Carrasco oo lugtii hore dhaawac ku maqnaa ayaa markan kusoo bilaaban kara.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Chelsea: Mendy; Azpilicueta, Christensen, Rudiger; Hudson-Odoi, Kante, Kovacic, Alonso; Ziyech, Werner; Giroud

Atletico Madrid: Oblak; Trippier, Gimenez, Savic, Lodi; Koke; Felix, Llorente, Saul, Correa; Suarez

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: Stamford Bridge

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Daniele Orsato (Italy)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here