Liverpool Oo Guul Dahabi Ah Gaartay iyo Diogo Jota Oo Kooxdiisii Hore U Dilay.

0
172

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool ayaa talaabo weyn u qaaday tartanka ay ugu jirto u soo bixitaanka Champions League ee xilli ciyaareedka danbe ka dib markii ay guul 1-0 ka soo gaareen kooxda Wolves oo marti loo ahaa.

Xiddigii hore ee Wolves Diogo Jota ayaa Liverpool guusha ku hogaamiyay isagoo dhaliyay goolka qura. Reds waxay haatan soo gashay kaalinta lixaad ee kala sareynta horyaalka iyagoo shan dhibcood ka danbeeya kooxda Chelsea halka ay Everton uga sarre mareen farqiga goolasha.

Liverpool ayaa nasiinada ugu dirtay Wolves hal gool oo nadiif ah kaasi oo yimid dhamaadkii ciyaarta waxaana dhaliyay Jota ka dib kubad uu ka shaqeeyay Sadio Mane , waxa uuna kulanka qeybtiisa hore ahaa mid u furnaa labada koox .

Marba koox ayaa in yar ku sareeysay maamulka kubadda waa ayna u furneyd xilli Liverpool ay dhibaato kala kulmeysay in ay kubadda ku sameeyaan kooxda ay marti u ahaayeen kuwaasi oo daafac ahaan isku xernaa .

Wolves iyo Liverpool ayaa ku guuleysanayay in kubadda horay isaga kala jaraan mana jiorin fursado badan oo ay isku abuureen  waxa ayna labada macalin dareensanayeen in ciyaarta adag tahay

Qeybta labaad , dar dar ayay ku bilaabeen xilli Liverpool fursad gool laga bad baadiyay halka Wolves ku dhiiranayeen in kubadda gaarsiiyaan afka hore ee kooxda Liverpool balse ma jirrin halis gilin muuqtaa .

Ciyaarta ahaa aheyd mid deg degsiimo leh mana jirin koox si gaar ah u maamuleysay kubadda marka laga yimaado in Wolves %53 qabtaan  xilli Wolves kubadaha rogaal celiska xariif ku ahaayeen waxaana  hor istaagayay goolhayaha Loverpool daqiiqadii 62-aad

Dagaallka ciyaarta ee labada koox waxa uu ka soo socday garbaha waxa uuna Klopp  badalkiisa ugu horeeyay sameeyay daqiiqadii 67-aad waxa uuna ku soo giliyay Keita iyo Milner oo loo saaray Alcantara iyo Wijnaldum , waxaana xusid mudan in marka hanaanka ciyaarta la eego labada koox gool ayaa laga filan karay.

Liverpool dhamaakdii waxa ay door bidayeen in ay maciin  bidaan kubadaha  dhaadheer maadaama daafaca Wolves uu adkaa inkastoo daqiiqadii 80-aad Salah laga bad baadiyay fursad xaqiiq ah , waxaana  kooxda Wolves kaliya ka maqnaa in sax ah kubadda u gaarsiiyaan goosha Liverpool  balse sida kale waa ay wacnaayeen .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here