Barcelona oo Cashar Cajiib ah u Dhigtay Kooxda Huesca.

0
225

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Barcelona ayaa xasuuq gurigeeda Camp Nou ugu geysatay kooxda yar ee Huesca iyagoo ku garaacay 4-1 islamarkaana ku dhawaaday kooxda hogaanka heysa ee Atletico Madrid oo haatan oo ay wada ciyaareen min 27 kulan.

Lionel Messi ayaa labo gool dhaliyay halka ay shabaqa soo taabteen xiddigaha kala ah Antoine Griezmann iyo Mingueza, iyadoo Barcelona ay sii xajisatay booskeeda kaalinta labaad iyagoo leh 59 dhibcood, waxay afar dhibcood ka hooseeyaan kooxda hogaanka heysa ee Atletico halka ay labo dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta seddexaad ee Real Madrid.

Kooxda Barcelona ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Huesca ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay ku doonayeen goolal.

Barcelona ayaa maamulista ciyaarta fiicnada u badashay gool daqiiqadii 13-aad iyaga oo uu gool qurux badan u dhaliyay xiddiga Lionel Messi kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda Ronald Koeman ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii waday raadinta goolal kale xilli ay kooxda Huesca difaac ku jirtay.

Daqiiqadii 35-aad ayay Barcelona sii dheeraystay hogaan ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Antoine Griezmann kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Barcelona ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda Huesca ayaa daqiiqadii 45+4-aad heshay rikoodhe waxana gool u badalay xiddiga Rafa Mir kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-1 kooxdiisana dib u soo nooleeyay rajadooda.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Barcelona ahayd kooxda ku gacan saraysay laakiin Huesca la baxday rajo ah in ay ciyaarta wax ka ridan karto kadib goolkii ay dhalisay.

Barcelona ayaaa qaybtii labaad ku soo gashay qaab dagani ah iyaga oo maamulayay ciyaarta in badana kubada haystay kooxda Huesca-na u diidaysay weerarada rogaal celista ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here