Xaaladda Dibad Baxayaasha Myanmar oo Walaac laga Muujiyay.

0
177

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dadka u Dhaqdhaqaaqa bulshada ayaa sheegaya in 38 mudaaharaadayaal ladilay maalin kamid ah maalmaha ugu dhiig daadashada badan tan iyo markii militariga ay rideen dowladda Myanmar.

Ciidamada ammaanka ayaa rasaas ku furay aag ka mid ah magaalada ugu weyn Myanmar ee Yangon, iyadoo banaanbaxayaashu ay adeegsanayeen ulo iyo mindiyo.

Milatariga ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan dibadbaxayaasha ka dib markii la weeraray meheradaha Shiinaha. Dibadbaxayaasha ayaa rumeysan in Shiinaha uu taageero siinayo militariga Burma.

Dalka Myanmar waxaa hareeyay mudaaharaadyo tan iyo afgambigii militariga ee 1-dii Febraayo.

Maamulayaasha militariga ayaa xabsiga dhigay Aung San Suu Kyi, hogaamiyaha rayidka ah ee dalka ahna madaxa xisbiga National League for Democracy (NLD).

Xisbiga NLD ayaa si aqlabiyad leh ugu guulaystay doorashadii sannadkii hore dalkaas ka dhacday, hase ahaatee militeriga ayaa sheegay in doorashadaas lagu shubtay.

Hogaamiyaha koox ka mid ah siyaasiyiinta Myanmar oo inqilaab militari xukunka looga tuuray ayaa wacad ku maray inuu sii wadi doono “kacaan” ka dhan ah maamulka askarta ee talada dalkaas qabsaday.

Hadalkiisii ugu horreeyey ee dadweynaha uu kula hadlayo ayuu, Mahn Win Khaing, ku yidhi “Waqtigani waa kii ugu mugdiga badnaa ee soo mara qarankaan waana waqtigii qorraxdii u soo baxday ay ka dhacday”.

Ninkaan oo dhuumasho ku jira, ayaa hoggaaminaya koox sharci dejiyeyaal ah oo iska diiday in ay aqbalaan inqilaabkii bishii hore dalkaasi dhacay.

Ugu yaraan 21 qof ayaa Axaddii lagu dilay magaalada Yangon. Waxaa sidoo kale dhimasho iyo dhaawac laga soo werinayaa goobo kale oo ka tirsan waddanka.

Shaqaalaha Caafimaadka ayaa sheegay inay u badantahay in tirada dhimashada ay intaasi ka sii badato iyagoo sababtana ku sheegay inay jiraan dad badan oo dhaawacooda culus yahay oo ay adagtahay inay ka kacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here