Madaxweyne Afrikaan ah oo ka Fiirsanayo Qaadashada Tallaalka Covid-19.

0
213

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxwaynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in wali ” uu ka fiirsanayo nooca tallaalka feyriska Corona ee uu qaadanayo”.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya maalmo uun ka dib markii ay dowladiisa bilawday in shacabka ay siiso tallaalka shirkadda AstraZeneca oo dalkaasi soo gaaray.

Qaar ka mid ah madaxwaynayaasha qaaradda Afrika ayaa goob fagaaro ah ku qaatay tallaalka feyriska Corona si meesha looga saaro shakiga ay shacabka ka qabaan tallalka ee ku aadan badqabka iyo waxtarkiisa.

Khudbad uu xalay ka jeediyay telefishinka, ayuu madaxwayne Museveni ku sheegay in wali uusan qaadan tallaalka sababtoo ah buu yiri “in wali uu taxadar muujinayo”.

Waxaa uu sidoo kale xaqiijiyay in marwada kowaad, Janet Museveni, aysan wali tallaalka qaadan.

Sababta aanan la ii tallaalin ayaa ah sababtoo ah waxoogaa waan taxadarayaa, midda labaad waxaan ka fikirayaa nooca tallaal ee qaadanayo , ma midka Johnson & Johnson, ma kan Shiinaha mise midka Ruushka,” ayaa yiri Mr Musavani.

Wasiirka caafimaadka Uganda Jane Aceng ayaa bishii aanu soo dhaafnay beenisay warar sheegayay in madaxwaynaha iyo madaxda kale ee ka ag-dhaw si qarsoodi ah loo tallaalay ka hor inta uusan dalka soo gaarin tallaalka.

Waxay ka jawaabaysay warar ay qoreen wargeysyada Daily Monitor ee ka soo baxa Uganda iyo wargeyska Mareykanka ka soo baxa ee Wall Street Journal.

Madaxwayne Musavani ayaa sheegay in wargeyska maxaliga ah ay qasab tahay in uu raalgalin ka bixiyo arrintaasi “oo uu far waawayn bogga hore ku so qoro haddii kale uu dabagal ku sameyn doono “..

Madaxwaynaha dalka Uganda ayaa waxaa uu sidoo kale xaqiijiyay in “toboneeyo qof ” oo ka mid ah shaqaalihiisa uu cudurka ku dhacay, balse uu isaga badqabay.

Dowladda Uganda ayaa qorsheynaysa inay tallaasho 49.6% shacabka dalkaasi taasi oo loo sameynayo dhowr waji.

Dalka Uganda ayaa waxaa la gaarsiiyay 864,000 kuuro oo ah tallaalka kaasi oo qeyb ka ah tallaalka lacag la’aanta ah ee ay daladda Covax ay gaarsiinayso dalalka saboolka ah.

Uganda ayaa waxaa bisha June lagu wadaa in uu soo garo talaal dhan 2,688,000 doos.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here