WHO oo ka Digtay in La Joojiyo Isticmaalka Tallaalada Looga Hortagayo Covid-19

0
220

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dalalku waa inaysan joojin isticmaalka tallaalka Covid-19 ee AstraZeneca sababo la xiriira inuu sababo xinjirowga dhiigga, iyadoo aysan jirin wax muujinaya inay taasi run tahay, ayuu yiri Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Bulgaria, Denmark iyo Norway ayaa ka mid ah dalalka hakiyay isticmaalka tallaalkaas.

Balse afhayeen u hadashay WHO ayaa maanta sheegtay inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya tallaalka iyo xinjirowga dhiigga.

Margaret Harris ayaa sheegtay inay tahay “tallaal aad u fiican” oo ay tahay in la sii wado isticmaalkeeda.

Ilaa 5 milyan oo Yurub u dhashay ayaa haatanba qaatay tallaalka AstraZeneca.

Waxaa jira ilaa 30 kiis oo gudaha Yurub laga soo sheegay, kuwaas oo dadka tallaalka qaatay uu ku dhacay xinjirowga dhiigga. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in nin 50 sano jir ah uu ku dhintay Talyaaniga kaddib markii uu xanuunsaday.

WHO ayaa baareysa wararkaas, sida ay sheegtay Ms Harris.

Balse wax xiriir ah oo la ogaday inuu ka dhaxeeyo tallaalka iyo dhibataooyinka la sheegay ma jiro, sida ay sheegtay afhayeenka.

Go’aanka Bulgaria ee lagu joojinayo qeybinta tallaalka ayaa yimid kaddib markii tallaabo taas la mid ah ay qaadeen dalalka Denmark, Iceland iyo Norway iyo sidoo kale Thailand. Talyaaniga iyo Austria ayaa sidoo kale joojiyay qeybo ka mid ah xirmooyinka tallaalka.

Hay’adda Dawooyinka ee Yurub, iyo waaxda xakameysa dawooyinka ee Midowga Yurub ayaa goor sii horreysay sheegay inaysna jirin wax muujinaya in tallaalku uu sababo xinjirowga dhiigga.

AstraZeneca ayaa sheegtay in badqabka tallaalka siwyen loogu baaray sheybaarrada.

Dalalka kale, sida UK, Jarmalka, Australia iyo Mexico, ayaa sheegay inay sii wadayaan isticmaalka tallaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here