Cristiano Ronaldo Oo Afka Furtay: “Kubadda Cagtu Xasuus Ayay Leedahay.

0
244

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Cristiano Ronaldo  ayaa ka baxay aamusnaantii kaddib canaantii ba’nayd ee ku dhacday markii ay kooxdiisa Juventus ka hadhay tartanka Champions Leagoe uu usbuucii hore ay FC Porto ku reebtay wareegga 16ka.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa dhalliilo badan loo jeedinayay xiddiga reer Portugal, waxaana soo baxayay warar sheegaya in la iibinayo maadaama ay kooxdu ka weyday ujeedadii ugu weynayd ee ay ula soo saxeexatay oo ahayd inuu ka caawiyo inay ku guuleysato Champions League.

Juventus oo aan muddo 25 sannadood ah ku guuleysanin horyaalka naadiiyada Yurub, ayaa sagaalkii sannadood ee ugu dambeeyey si xidhiidh ah u hananaysay horyaalka Serie A, waxaanay Ronaldo kasoo bixiyeen 100 milyan oo Euro sannadkii 2018kii si khibradda guulaha ee uu tartankan u leeyahay uu ugaga caawin karo inay hanan karaan Champions League oo ay ugu dambaysay 1996kii.

Ronaldo ayaa lagu eedeeyey inuu qayb ka qaatay goolkii sababta u noqday in kooxdiisu ay ka hadho Champions League, iyadoo laad xor ah oo lasoo tuuray uu lugihiisa ka dhex baxayy ka hor intii aanay kubaddu shabaqa gelin.

Cristiano Ronaldo ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Instagram kaga hadlay arrimahan, waxaanu yidhi: “Tirada guul-darrooyinka ee noloshadaada aad la kulanto, waxa ka muhiimsan sida degdegga ah iyo sida xooggan ee aad lugahaaga ugu istaagi karo… Guuleysteyaasha dhabta ahi waligood ma jabaan.

“Yoolkayagu waa ciyaarta Cagliari, horyaalka Serie A, Finalka Italian Cup iyo wax kasta oo aanu wali gaadhi karno xilli ciyaareedkan.

“Waxa run ah in wixii hore madxaf la dhigay (waan sii joogayaa!), laakiin nasiib-wanaag, kubadda cagtu waxay leedahay xasuus… aniguna sidaas oo kale!

“Taariikhda lama tirtiri karo, maalin walba waxay ku qoran tahay iska caabbin, niyadda kooxda, adkaysi iyo shaqo badan. Kuwa aan intaas fahamsanayn, waligood koob iyo guul ma helaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here