Benzema Oo Waqtigii Dhimashada Saddax Dhibcood Siiyey Real Madrid. 

0
221

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa soo gashay kaalinta labaad ee horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, kaddib guul ay ku rafaaday oo waqtigii dhimashada ay ka gaadhay Elche oo ay ku garaacday 2-1.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Alfredo di Stefano ayaa waxa gool la hormartay Elche oo qaybtii dambe uu gool madaxa ugu dhaliyey Dani Calvo, hase yeeshee waxa mada kale ku barbarreeyey Karim Benzema daqiiqaddii 73aad.

Xiddiga reer France ayaa waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta, waxa uu Real Madrid u dhaliyey goolka guusha oo ahaa mid uu lugta bidix ku toogtay isagoo bannaanka jooga, kaddib kubbad uu sharafka ugu soo dhiibay Rodrygo Goes.

Real Madrid ayaa guushan ay ku dhibaatootay waxay kusoo gashay kaalinta labaad ee horyaalka LaLiga, waxaanay hal dhibic ka sare martay Barcelona oo Isniinta ciyaari doonta kulankeeda usbuuca, halka shan dhibcoodna ay ka dambayso Atletico Madrid oo hoggaanka haysa, waqti dambe oo caawa ahna dheelaysa.

Shaxdii labada kooxood

ELCHE XI (4-4-2): Edgar Badia; Antonio Barragan, Dani Calvo, Gonzalo Verdu (c), Johan Mojica; Fidel, Raul Guti, Ivan Marcone, Tete Morente; Guido Carrillo, Lucas Boye.

Kaydka: Victor Rodriguez, Nino, Josema, Josan, Diego Gonzalez, Pere Milla, Luismi, Helibelton Palacios, Lluis Andreu, Paulo Gazzaniga, Cifu, Omenuke Mfulu.

MADRID XI (4-2-3-1): Thibaut Courtois; Nacho, Raphael Varane, Sergio Ramos (c), Ferland Mendy; Federico Valverde, Casemiro; Lucas Vazquez, Isco, Vinicius Junior; Karim Benzema.

Kaydka: Toni Kroos, Eder Militao, Rodrygo, Hugo Duro, Diego Altube, Eden Hazard, Andriy Lunin, Marco Asensio, Luka Modric.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here