Manchester United Oo Waqtigii Dhimashada Lagu Qabtay Barbarro & Wacdarihii AC Milan.

0
197

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa barbarro la gashay AC Milan iyadoo joogta garoonkeeda Old Tr afford, lugta hore ee wareegga 16ka tartanka Europa League.

Kulankan ay labada koooxood ee waaweyni isku haleeleen ayaa laba jeer tobankii daqiiqadood ee ugu horreeyey laga naxsaday Manchester United, waxaana AC Milan ay heshay laba gool oo midka hore lagu diiday offside iyo mid kale oo VAR laga soo daawaday kaddibna meesha laga saaray.

Qaybtii hore ayay labada kooxood ku kala baxeen barbarro goolal la’aan ah, hase yeeshee da’yarka ay United lasoo saxeexatay bishii January ee Amad Diallo oo beddelay Anthony Martial oo dhaawac lagu saaray waqtigii nasashada, ayaa gool madax ugu dhaliyey Manchester United.

AC Milan ayaa waqtigii dhimashada madax ku dhalisay goolka barbarraha oo uu u dhaliyey Thorup Kjær.

Milan ayaa fursado badan iska khasaarisay qaybtii dambe, halka Manchester United uu gool caddaan ah ka khasaariyey Harry Maguire qaybtii hore iyadoo uu kubaddu birta kaga dhacday.

Lugta labaad ee labada kooxood ayaa Khamiista toddobaadka dambe waxay ka dhici doontaa garoonka San Siro ee magaalada Milan, halkaas oo naadiga guuleysta uu iska xaadirin doono wareegga siddeedda, hase yeeshee Milan ayaa soo bixi doonta haddii ay barbarro goolal la’aan ah ku dhamaystaan, halka Manchester United ay barbarro ka badan 1-1 kusoo gudbi doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here