Kooxda Juventus oo Ka Hartay Champions League.

0
229
(Top Row L-R) Giorgio Chiellini of Juventus FC, Sami Khedira of Juventus FC, Mario Mandzukic of Juventus FC, Leonardo Bonucci of Juventus FC, goalkeeper Gianluigi Buffon of Juventus FC (Front row L-R) Paulo Dybala of Juventus FC, Dani Alves of Juventus FC, Juan Cuadrado of Juventus FC, Gonzalo Higuain of Juventus FC, Miralem Pjanic of Juventus FC, Alex Sandro of Juventus FCduring the UEFA Champions League quarter final match between FC Barcelona and Juventus FC on April 19, 2017 at the Camp Nou stadium in Barcelona, Spain.(Photo by VI Images via Getty Images)

Jowhar(Radio-Isnaay)-Juventus ayaa sharciga goolasha martida uga hartay Champions League inkastoo kulankii caawa ay 3-2 kaga badiyeen kooxda FC Porto laakiin madaama ay FC Porto gurigeeda ku soo badisay 2-1 waxay ka dhigan tahay in wareega uu ku dhamaatay barbaro 4-4 ah oo ay kooxda reer Portugal ku soo baxday sharciga goolasha martida.

90kii daqiiqo ee ciyaarta oo ay Juve 2-1 ku hogaamineysay ayaa keentay in 30 daqiiqo dheeri ah lagu darro ciyaarta madaama natiijo wadareedka ay noqotay barbaro 3-3 ah.

Dhamaadkii 30ka daqiiqo ayay ciyaarta waali noqotay iyadoo Porto oo 10 xiddig ku dheeleysa ay gool shabaqa soo taabsiisay iyadoo natiijo wadareedka ka dhigtay 4-3 oo ay hogaanka ku hayeen laakiin ilbiriqsiyo ka dib Rabiot ayaa barbareeyay oo 4-4 ka dhigay ciyaarya.

Laakiin goolka Rabiot ma uusan ka badbaadin Juventus inay ku harto sharciga goolasha martida ah.

Juventus ayaa gool looga naxsaday qeybtii hore ee ciyaarta ka dib rigoore uu FC Porto u saxiixay Sergio Oliveira iyadoo goolkaas lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Bilowgii qeybta labaad Juventus ayaa ku soo laabatay ciyaarta markii uu shabaqa u soo taabtay Chiesa oo ka faa’ideystay kubad uu ka helay Cristiano Ronaldo. Iyadoo daqiiqadii 54aad ee ciyaarta uu FC Porto casaan ka qaatay Mehdi Taremi.

Daqiiqadii 63aad Juventus ayaa ciyaarta hogaanka u qabatay markii uu Federico Chiesa dhaliyay goolkii labaad oo uu markaan caawiye ka ahaa Cuadrado iyadoo wadar ahaan ay ciyaarta noqotay barbaro 3-3 ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here